
Kooxca Kubadda Cagta ee Horseed oo ku guuleystay Koobkii Nashville
Magaalada Nashville gobolka Tannesii ee wadanka Mareykanka, waxaa dhawaan lagu soo gabagabeeyey tartan kubada cagta ah oo ay ka qeyb galeen 8 koox oo ka kala socdey gobolada dalka mareykanka.
Qaban-qaabada iyo marti gelinta kooxaha ciyaarahaas ka qeyb galey waxaa si weyn isugu hawley dhalinyaro Soomaliyeed oo ciyaaraha jecel kuna nool magaalada Nashville iyadoo tartankan uu yahay sanadkii labaad ee lagu qabto waxaana mudadii uu socdey oo subax iyo galab la ciyaarayey si weyn daawashada ciyaarahaas uga qeyb geli jirey dadweynaha xiiseeya ciyaaraha.
Tartankan waxaa xiiso weyn u yeelayey, dhalinyarada ka qeyb galeysey oo ahaa kuwa da,a ahaan yar yar, mustaqbal wanaagsana ku leh ciyaarta kubada cagta. Xirfadaha garoonka ay ku soo bandhigayeen oo ahayd mid heer sare ah oo dadkii daawanayey ay la dhaceen
Hadaba markii ciyaaraha semifeynalka la ciyaarey ayaa waxaa ciyaartii kama dambeysta ugu soo baxey koox la yiraahdo Comunilaty oo Minesota ka socotey iyo koox Horseed la yiraahdo oo
Ciyaartaas oo aheyd mid xiiso badan waxaa daqiiqadihii loogu tala galey ay ku soo dhamaatey in laba gool iyo eber ay guushii ku raacdey kooxda Horseed A
Gudida tartan qaban qaabisey ayaa koobkii kaalinta koowaad oo aad u qurux badnaa waxey gudoonsiiyeen kooxda horseed iyadoo koobka kaalinta labaad ay qaateen kooxdii ka socotey minesota waxaa kaloo xusid mudan in tartanka intuu socdey loo aqoonsdey ciyaartoygii ugu farsamada fiicnaa wiilla yiraahdo guuleed oo horseed u safta dhinaca macalinka ugu fiicnaa waxa loo qoonsadey Maclin Cabdulahi oo kooxda maine watey.
Gool hayihii ugu fiicnaa waxaa noqdey cabdul oo kooxda Comunality Minesota ka tirsan difaacii ugu wanaagsanaa waxaa ku guuleystey Cabdulahi
Guud ahaan ciyaarahaas waxey ku soo dhamaadeen sidii loogu tala galey.Waxa gudiga ciyaarahaas u mahad celiyeen dhamaan macalimiinta,taageerayaasha iyo ciyaartoydii tartankaas ka qeyb gashey iyo waliba bahda saxaafada ee ciyaarahaas joogey.
Cabdullahi Kolombo
Nashville, Tennesee