advertisements

Hungerian Open iyo wacdarahii mucjisada kubada miiska Mr Magan

fiogf49gjkf0d

 


Mahad Turbashaash
Budepest, Hungry
Saturday, March 28, 2009

Waxaa baryahan magaalada Budepest ee dalka Hungary ka dhacayay cayaaro kubada miiska ah oo loogu magac daray (Hungerian open). Cayaarahaas oo ay ka soo qayb galeen 12ka cayaartooy ee ugu caansan dunida. 
 
Waxaa cayaarahan furitaankii khudbad ka jeediyay Josof johur oo ah Director Hungerian Table tennis oo runtii si wanaagsan ugu amaanay sida loo soo qabanqaabiyay cayaarahan , iyo wali sida ay warbaahintu u xiisaynayso in ay cayaarahan u tabiso dhamaan dacalada dunida ee laga xiisayyo cayaaraha kubada miiska.
Mucjisadii kubada miiska Mr Magan oo gaar ahaan indhaha lagu hayay lana filayay in uu qaadi doono cayaarahan ayaa waxaa uu waraysi cajiib ah uu siiyay Radio Libarti oo ku hadla afka Germalka .
 
Akhristoow waxaa markiiba cayaarahan lagu furay oo fooda isdaray Mr Magan iyo laacib ka socday dalka Farance waa Mr Sebatier. Ma aha markii iskugu horaysay ee ay wada ciyaaraan labadan cayaartooy. Cayaartan oo ay dadwayne farabadani daawanayeen , gaar ahaan taageerayaasha Mr Sebatier oo iyagu u badnaa Franciis.


 
Cayaartan oo runtii si aad ah u adkayd waxaa akhiritaankii guushu raacday -
Mr Magan mucjisadii kubada miiska 26-24 , 16-20 , 18-20...
 
Waxaa sidoo kale iyagana dhinacooda fooda is daray Mr Noh Jagman oo ka socday dalka Kuufurta Korea iyo Mr Ifros Betro oo ka socday dalka Romania. Waxayna halkaas guushii ku raacday Mr Noh Jagman oo ka socday dalka K.Korea.
 
Cayaarahan oo intabadan isreebreeb u badnaa waxaa ugu dambeystii (Final) iskugu soo haray  Mr Magan Dahir iyo lacibkii ka socday K.Korea Mr Noh.
Cayaartan ayaad runtii moodaysay in si wayn loo hadal hayay gaar ahaan shacabwaynaha xiiseeya cayaaraha kubada miiska.
 
Maalintu markay ahayd 25-03-09 ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dadwayne aad u farabadan jecelna in ay daawadaan sida layaabkale leh ee uu Mr Magan ugu xaragoodo cayaarta kubada miiska.
 
Markiiba waxaa fooda is daray labadan cayaartooy oo runtii soo bandhigay cayaar aad u xiiso badnayd , cayaartan oo si toos ah looga daawanayay ilaa 12 TV oo ku baahsan dacalada dunida gaar ahaan wadanka Koofurta Korea.

Inkastoo akhrisoow aad moodaysay in uu Mr Magan daal badani ka muuqday , hadana waxaa uu soo bandhigay cayaar runtii dadwaynihii daawanayay ay aad ugu diirsadeen. Cayaartana waxay ku dhamaatay 20-14,  8-20 , 20-16 ,20 -12. Mr Magan ay halkaas guushii ku raacday. Koob aad u quruxbadana lagu gudoonsiiyay halkaas.


 
Waxaa kaloo uu Mr Magan waraysi toos ah siiyay Radio Hungrey oo uu uga sheekeeyay taariikhdii ay soo mareen cayaaraha Somaliyeed gaar ahaan kubada miiska, Basketbalka , K.Cagta iyo ciyaaraha fududba.
waxa uu Mr Magan ku dhiiri galiyay in ay taageeraan cayaartoyda yar yar ee soo kacaysa, iskana ilaawaan  in ay mar walba ka hadlaan cayaartooydii hore ee cuslaatay. 
 
Waxa kaloo Mr Magan talo u soo jeediyay war baahinta Somaliyeed in ay dhiiri galiyaan cayaartooyda yaryar ee mustaqbalka ku leh dalkooda.
Waa wax wanaagsan in la xuso cayaartooydii hore , lakiin ma aha in wakhtiga lagu lumiyo  casuumad ayaa halkan loogu qabtay iyo halkan ayay xaflad ku qabsadeen.


 
Waxaa runtii sharaf mudan in maanta Mr Magan uu magaca Somaliyeed u soo hooyay guul. 
 
Waxaa uu Mr Magan u mahad u celinayaa dhamaan inta wax tarta danyarta iyo dhalinyarada soo kacaysaba.
 
Waxaa marlabaad mahadaas leh dhamaan umadada Somaliyeed ee xiisaysa cayaaraha .
 
Mahad Turbashaash.
[email protected]
[email protected]