Hiiraan Online
Isniin, August 10, 2009
Lund, Sweden (HOL) - Waxaa maalintii Axadda ee bishan August 9keedii la soo gabagabeeyey shirkii Geeska Afrika ee magaalada Lund, Sweden ka furmay jimcihii la soo dhaafay. Waxaa shirka isugu yimid aqoonyahanno, siyaasiyiin, safiiro iyo qubaro kala duwan oo ka kala socotay waddamada Geeska Afrika, Qaramada Midoobay, Yurub, USA iyo dalka Sweden. Waxaa shirka looga hadlaayey nabadda Geeska Afrika iyo doorka ay arrimaha degaanka ku leeyihiin nabadda gobolka.
Shirkan ayaa waxaa si weyn looga lafaguray sida loo wadaagi lahaa biyaha Geeska Afrika oo sabab u ah colaado badan oo ka dhaca deegaanka. Aqoon yahannadii halkaas isugu yimid ayaa isku wada raacay in Geeska Afrika haysto biyo ku filan laakin loo baahanyahay in si wanaagsan loo maamulo. Waxaa sidoo kale laga dooday roobabka sii yaraanayo iyo sida ay u saameeyaan deegaan taas oo marar badan sababta in dad badan ay ka guuraan meelihii ay deggenaan jireen.

Prof. Gaim Kibreab, Social Policy Studies. London South Bank University: Environmental Degradation and Conflicts in the Horn of Africa: Tenuous Causal Links?, Mr. Buri Hamza, Minister of Environment, Somali Transitional Unity Government and Fatima Jibrell, Director, Horn of Africa Relief: “Somali Pastoral Way of Life and the Exploitation of the Marine Resources”
Dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa ka socday wasiirka degaanka Prof. Bursi Xamsa oo ka hadlay arimo badan oo ku aaddan degaanka sii xumaanaaya ee dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay saxiixi doonto heshiisyada caalamaga ah ee arrimaha degaanka si markaas loo helo wada shaqeyn dhex marta Soomaaliya iyo waddamada kale. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay wasiirka deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland.
|
Advertisement |
Dowladda Itoobiya ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay biyo xireenno ka sameysatay halka ay ka bilowdaan wabiyada Jubba iyo Shabeele oo si weyn ugu xiran wax soo saarka beeraha ee gobolada Koofureed. "Dowaladda Itoobiya iyo Hay'adaha meel galiyey midna kalama tashan dowladda Soomaaliya mashaariicdan biyo xireenka, waxaana taasi loo arkaa in laga faa'ideysanayo dowladda tabarta yar ee maanta ka jirta dalka Soomaaliya" ayuu yiri Dr. Cabdullahi Cilmi M. (Asad) oo ka mid ahaa aqoon yahanadii ka soo qayb galay shirka. Danjiraha dalka Itoobiya u fadhiya dalka Sweden ayaa isaga oo ka jawaabayey eedaas loo soo jeediyey wuxuu yiri "Biyo xireenadaas la sameeyey oo hadda wada shaqeynaya baaritaan dheer ayaa lagu sameeyey inta aanan la dhisin waxaana ka soo baxay in ay faa'ido u leeyihiin deegaanka oo dhan oo ay ka jirto koronto la'aan".

H. E. Mr. Dina Mufti, Ethiopian Ambassador to Sweden, 2. H. E. Mr. Moses M. Akol, Sudanese Ambassador to Sweden and H. E. Mr. Yonas Manna Bairu, Counsellor Chargé d'Affares Eritrean Embassy in Stockholm
Abdulkadir H. Hirmooge oo ka tirsan jabhadda xoreynta ee ONLF ayaa eedeyn u soo jeediyey dowladda Itoobiya isaga sheegay in ka hadalka cimilada Geeska Afrika laga hormary xasuuqa iyo ciribtirka ka socoda maanta deegaanka OGADINIA.
Dr. Cabdullahi Cilmi M. (Asad) ayaa waxa uu ka hadlay qashinka suntan ah ee lagu daadiyo badaha iyo dhulka Soomaaliya iyo weliba xaalufinta dhirta la dhigo dhuxul loo dhoofiyo waddamada Khaliijka, oo ayaga cunaqabateyn saaray xoolihii Soomaaliya.

Dr. Zoltan Balinta, Chief Technical Advisor Project Somalia Water and Land Information Management FAO-SWALIM, Prof. Arne Ardeberg, Former Vice Chancellor & Professor Department of Astronomy, Lund University: “Solar Power – A Natural Resource in the Horn of Africa”
Dr. Zoltan Balinta oo madax ka Mashruuca maareynta biyo Soomaaliya ee hay'adda FOA (Chief Technical Advisor Project Somalia Water and Land Information Management FAO-SWALIM) ayaa warbixin ka bixiyey biyo yaraanta ka jirta Soomaaliya oo ay sababeen roobabkii oo yaraaday taaso keentay in dadkii ay si joogta ah ugu xirnaada in la quudiyo. Wuxuuna intaa ku daray in ay muhiim tahay in dadka beerlayda ah lagu kaalmeeyo sidii ay dib beeruhuudii ugu noqon lahaayeen ka dibna ay isku filnaadaan.
Prof. Arne Ardeberg, oo bare ka ah Jaamacadda Lund (Department of Astronomy) ayaa halkaas ka soo jeediyey warbixin xiiso leh oo ku saabsan isticmaalka tamarta qoraxda (Solar Power). Prof. Arne ayaa sheegay in Geeska Afrika uu haysto qorax ku filan in ay siiso dhammaan quwadda koronta oo ay u baahanyihiin. Mar ay Hiiraan Online weydiisay wax ugu weyn ee hortaagan in laga hirgaliyo mashruuca tamarta qoraxda ayuu Prof. Arne ku jawaabay in ay tahay Sharikada waa weyn ee madaxda ka ah isticmaalka Shidaalka iyo tamarta nuclearka (Fossil Fuels and the Nuclear Energy).
Waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Faaduma Jabriil oo madax ka ah ururka Horn Relief ee ka howlagala dalka Soomaaliya, waxay sheegtay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka faa’deysanayaan xaaladda adag ee uu dalku ku jiro, loona baahan yahay in dalalka Itoobiya iyo Kenya aysan Soomaaliya sidaas ula dhaqmin. Waxay ka warantay sida ay ku bilaabatay burcad-badeedka. Iyada oo ka warantay in ay maraakiibta shisheeye ay kalluumeysatadii Soomaaliyeed u diideen ka kalluumeysiga xeebaha dalkooda. Taasina waxay sababtay in ay dadku bilaabaan in ay maraakiibta afduubtaan. Waxayna caalamka ugu baaqday in si daacad ah wax looga qabto maraakiibta shisheeye, iyo in dhallinyarada loo bixiyey burcad-badeed loo abuuro fursado waxbarasho iyo shaqooyin ay ku noolaadaan. Faaduma Jabriil waxay wax ka taabatay arrimaha qashinka suntan ah ee dalka lagu aasay oo ay ku lug leeyihiin, ayey tiri, dad Soomaali ah oo ka tirsanaan jiray dowladdii hore ee Soomaaliyeed.
Ururka International Organization for Migration (IMO) ayaa wuxuu soo bandhigay barnaamij loogu talagalay sidii aqoonyahanada Soomaaliyeed ee dibadda ku nool waddanka dib loogu soo celin lahaa. Xafiisyo arrintaas qaabilsanna waxaa laga furay Washington DC (USA), London, UK iyo Helisinki, Finland. Waxaa dhanka Soomaalida ururkaas ka socday Saciid Guled iyo Cabdi Jaamac Geedi.
Dr. Yakoub Abdi Aden ,
PhD, Machadka Kroloniska , Stockholm, SIRC ayaa halkaas ka soo jeediyey qudbad lagu soo gunnaanadyo Shirkii seddexd maalmood ka socday magaalada Lund ee dalka Sweden. Dr. Yakoub ayaa u mahad celiyey dadkii shirkaas ka soo qaybgalay isaga ku tilmaamay shirkan ay ka soo bixeen wax yaabo badan oo faa'ido u leh dadweynaha ku nool Geeska Afrika. Waxaa markaa ka dib lagu ballamay in Sannadka dambe shir kan oo kale ah leeysugu yimaado. Shabakadda Hiiraan Online ayaa waxay halkaas ku guddoonsiisay madaxdii shirka ka soo qayb gashay haddiyooyin ay ugu dabaal dageyso Sannad guuradii 10naad ee ka soo wareegta markii la aasaasy Hiiraan Online.