advertisements

BAAQ AY SOO SAAREEN QURBA JOOGTA BEESHA XAWAADLE

fiogf49gjkf0d


Ku: Dhammaan ummadda Soomaaliyeed  
       gaar ahaan bahweynta reer Hiiraan.

Shir ay isugu yimaadeen aqoonyahannada, siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka, waxgaradka, saraakiisha,  iyo haweenka qurbajoogga Beesha Xawaadle oo ka kala yimid dhammaan qaaradaha adduunka, kana dhacay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden. Shirkaasi oo socday 31/07/09 – 04/08/09 ayaa waxa ay  ka-soo-qaybgalayaasha shirku iyaga oo ka xun, kana tiiraanyeysan tacaddiyadii iyo dilalkii ka dhacay guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolka Hiiraan, loona geystay cuqaasha, culumada, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, iyo saraakiisha beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha wada dega Gobolka Hiiraan. Waxay  tacsi u diraynaan dhammaan bulshada reer Hiiraan, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii sida naxariis darrada ah loogu xasuuqay  magaalada Beled-Weyne 18/06/2009 iyo kuwii ka horeeyey ee ka dhacay gobolka.

Waxaan dhammaan ugu baaqayaan  ummadda Soomaaliyeed  in ay is daba qabtaan una soo jeestaan sidii loo soo celin lahaa qaranimadii Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo ay  gaar ahaan u dirayaan baaq Hiiraanimo, una soo jeedinayaan dhammaan beelaha reer Hiiraan, annagoo ugu baaqayna:

1. In ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu wada noolaan lahaayeen, walaaltinimo, deris wanaag, is tixgelin iyo wax wada qabsi.

2. Waxaan ugu baaqaynaa in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadeynta dadkooda, gobolkooda iyo guud ahaan dalkoodaba .

3. Waxaan ugu baaqaynaa in dhammaan beelaha reer Hiiraan is abaabulaan una guntadaan sidii ay u samaysan lahaayeen Maamul-goboleed reer Hiiraan  u dhan yahay una horseeda nabad, horumar iyo caddaalad; 

4. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan beelaha reer Hiiraan in si wada jir ah looga hortago wixii keeni karo khilaaf reer Hiiraan.

Gudoomiyaha shir guddoonka
Dr Cusmaan  Cilmi  Guuleed

Xildhibaan. Ibrahim Xabeeb. (UK-Muqdisho)
Prof. Axmed Mumin Warfaa. (USA)
Dr. Cismaana Cilmi Guuleed. (UK)
Prof. Axmed Mohamed Weheliye Xiji. (Finland)
Nabadoon Tawane Sabriye Fiidse (Denmark)
Nabadoon Xassan Nuuriye Maxamed. (Danmark)
Abwaan. Cabdi Cilmi Gumaas. (Sweden)
Ugaas Cabdulle Farey. (Holand)
Cismaciil Cilmi (UK)
Nabaddoon Cabdulahi Cilmi Asad. (Sweden)
Suldaan Khalif Mumin Toxow. (UK)
Suldaan Cumar Dhelmay. (Sweden)
Dr. Fanax Aden Deqow. (USA)
Dr. Xusen Goodax Barre (Norway)
Dr. C/qadir Cali Cabdi Xuurka (USA)
Dr. Maxmud Sh. Qaliif. (Sweden)
Dr. Cabdullahi Xusen Axmed (Sandhool) (UK)
Nabadoon Cisman Maxamed Raage Saney (UK)
Sh. Saciid Cumar Cilmi (Finland)
Cumar Yusuf Nuur (USA)
Cismaan Cilmi Xareed (UK)
Maxamed Cismaciil Cilmi (UK)
Siraad Buule Cumar (Sweden)
Drs. Sahra Maxamed Abtidoon (Kenya)
Sahra Xasan Cilmi (Sweden)
Maxamed Baryare Maxmud (Sweden)
Xasan Cali Cabdi (Dhuxul) (Finland)
Saney Maxamed Raage (UK)
Muxidiin Cumar Cabdi (Norway)
Xuseen Cismaan Cabdulle (Sweden)  
Yonis Qaliif Dheere (Sweden)
Yuusuf Coloow Axmed (Sweden)
C/casiis Maxamed Guure (Sweden)
Saalax Cumar Cilmi (UK)
Maxamed Aden Abdi (Sweden)
C/laahi Cali Xirsi (Sweden)
Gushay Ayub Jibril (UK)
Cabdulqadir Maxamud (Sweden)
Cabdinuur Axmed Shukri.
Gushay Maxamed Xassan.
C/qaadir Buule Cumar (Sweden)
Mustafa Xasan Cilmi (Sweden)
Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi (Norway)
Cumar Yusuf Nuur (USA)
Maxamed Cumar Sabriye (Denmark)
Cabdiraxman Cali Xalane (Denmark)
Faysal Faarax Makaraan (Sweden)
Cumar Nuur Weheliya (Sweden)
Cismaaciil Abdi Sandhool (Denmark)
Maxamed Sh. Cabdi (Sweden)
Cali-Nuur Cumar Borow (Sweden)
Cabdifataax Keynan Cimi (Sweden)
C/Rashid Xaaji Axmed (Sweden)
C/fatah Maxamed Xaashi (Sweden)
Cali Axmed Cilmi (Sweden)
Cabdullahi Xuseen Fiidow (Sweden)
Maxamed Cabdi Fiidow (Norway)
Yoonis Qaliif (Sweden)
C/casiis Cabdulaahi (Sweden)
Yuusuf Cali Iidle (USA)
Axmed Cilmi Maxamud (USA)
Axmed Cilmi Maxamud (USA)
Xaaji C/casiis Cali Geedi (Sweden)
Maxamud Aden Maxamed (Sweden)
Mahdi Cabdi Jimcaale (Sweden)
Sh. C/casiis Cilmi A. Geele (Sweden)
C/fitah Sh. Cilmi (Sweden)
Cumar Xaashi Faarax (Sweden)
Cabdulaahi Xaashi Faarax (Sweden)
Maxamed Cumar Xassan (Sweden)
Axmed Cilmi Shire (Sweden)
C/qadar Xasan Nuuriye (Sweden)
Cali-tiir Axmed Cilmi (Sweden)
C/casiis Axmed Cabdulle (Sweden
Abuukar Godax Barre (Sweden)
Xasan Sh. Jimcaale (Sweden)
Abukar Aden Deeqoow (Caato) (Sweden)
Maxamed Cabdi Raage (Sweden)
Axmed Xasan Fiidoow (Sweden)
Ibrahim Xasan Axmed (Sweden)
Salaad Rooble Afrax. (Sweden)
Cabdi Ibrahim Sh. Yuusuf (B/weyne) (Sweden)
Maxamed Keynaan (Finland)
Maxamed Axmed Cabdala (Sweden) 
C/casiis Cali Kadeed (Sweden)