Hiiraan Online
Monday, April 27, 2009
Waxaa booqasho gaaban ku soo gaaray magaalada Columbus ee ah caasimadda gobolka Ohio ee Maraykanka wasiirka jaaliyadda dibedda ee dowladda ku meel gaarka ah Mudane Abdullahi Ahmed Abdulle (Azhari) oo beryahaanba booqoasho ku maaraayey Waqooyiga America. Mudane Azhari oo ujeedada booqashadiisu ahayd in uu soo arko Soomaalida ku dhaqan waqooyiga Ameerica, fiiriyana wadcigooda islamarkaana la sameeyo wadatashi sidii ay dowr weyn uga ciyaari lahaayeen nabadeeynta Soomaliya ayaa la kulmay dhalinyaro, aqoon yahan, haween iyo waxgaradka Soomaliyeed ee deggan magaalada Columbus, Ohio.
Mudane Azhari waxaa uu ka qeyb galay xaflad soo dhoweeyn ah oo ay soo agaasimeen ururka ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata jaamicadda Ohio State University halkaas oo Mudane Azhari kula kulmay arday, macallimiin iyo madaxda jaamicadda.
Khudbad wacyi gelin iyo guubaabo isugu jirta ayuu wasiirku halkaa ka jeediyey kuna booriyey ardayda Soomaliyeed in ay dadaalkooda sii badiyaan oo ay anfacaan dalka Mareykanka iyo dalkooda hooyo, labadaba.

Mudane Azhari waxaa kale uu ka qeyb galay casho sharaf loo sameeyey oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahan, culimo, iyo waxgarad Soomaaliyeed oo uu faahfaahin dheeri ah ka siiyey dadaalkii loo soo maray nabadeeynta Soomaliya iyo hawlha hadda horyaal xukuumadda ku meel gaarka ah ee uu ka tirsan yahay. Dad badan oo halkaa ka hadlay ayaa u muujiey wasiirka in ay taageero buuxda siinayaan dawladda ku meel gaarka ah, ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dawladda wax kasta oo
ayaga looga soo baahdo.
Wasiirku waxaa kale oo la kulmay dadweeyne fara badan oo ku nool magaalada Columbus, Ohio mar uu ka qeyb galay xaflad ballaaran oo jaaliyadda reer Columbus ay u diyaariyeeen Mudane Azhari. Dadkii badnaa oo ka qeyb galay xafladdaasi aad ayeey ugu riyaaqeen wacyi gelinta iyo dadaalka wasiirku ugu jiro sidii la isugu xiri lahaa jaaliyadda dibedda iyo xukuumadda, maadaama uu yiri wasiirka muhiimadda jaaliyadda dibedda ay u leedahay Soomaliya ma’ahan mid la soo koobi karo.
Wasiirku waxa uu u sii gudbay Magaalada Washington DC ee ah caasimadda dalka Mareeykanka oo uu ballamaad kula leeyahay madaxda dawladda Mareeykanka iyo jaaliyadda Soomaliyeed ee deggan magaalada Washington iyo nawaaxigeeda oo ah Virigina iyo Maryland.
