advertisements

Musharaxa doorashada Puntand Mr. Suleyman Ciise Axmed

fiogf49gjkf0d

Hiiraan Online
Thursday, October 30, 2008

Musharax doorashada Puntland Suleymaan Ciise Axmed
Waxaa maanta oo Talaado ah bisha Oktober 28, 2008  Hiiraan Online fursad u helnay in aan wareysi la yeelano musharax ka mid ah musharaxiinta Puntland Suleymaan Ciise Axmed Kaar oo hadda ku sugan magaaladda Columbus, Ohio. Suliman oo ah nin da’a yar aqoonyahana ah, khibrad badana u leh dhinaca maamulka ayaa wareysigii sedan u dhacay:-
 
Columbus, Ohio (HOL) Maxaa kugu kalifey Suliman inaad isu taagto jagadan madaxweynanimada dawlad goboledka Puntland?
 
Suliman: Ka dib marakaan arkay kala daadsanaata iyo dhibaatada dhinacyada badan ee soo wajahay dadkayga arkeyna in sida keliya ee lagaga bixi karo mushkiuladahaas iyo wakhtiga adag ee lagu jiro inay tahay in la helo hogaan toosan caqli iyo aqoon leh horseeda nidaam maamul oo cadaalada kuna dhisan oo ka turjumaya  danta guud aadna uga  fog danta khaaska ah ama shaqsiyadeed keenana isbedel  iyo  horumar xaliyana dhibaatooyinka ay u sababyihiin maamulka haatan ka jira kuna guul darastay inay wax ka qabtaan.
 
(HOL) Hadda waxaad joogtaa cardigan Mareykan, waxaan ognahay in aad dhawaan Puntland i ka soo noqotey doorashooyiinkiina dhawaanbaa laga rajo qabaa inay bilaabmaan marka adigu goormaa laga yaabaa in aad dib ugu noqoto Puntland?

Suliman: Waxaan rajeynayaa haddii Eebe idmo inaan u ambabaxo sida ugu dhakhsaha badaan.
 
(HOL) Maxaa ka mid ah waxyaalaha ugu horeeya ee aad wax ka qabanayso marka lagu doorto madaxtinimadda  Puntland??

Suliman: Runtii waxyaalo fara badan ayaa u baahan wax ka qabasho, balse waxayaalaha ugu horeeya ee aan wax ka qaban doono waxa ugu horeeya:
a) Midnimada shacabka reer Puntland
b) Soo celinta deegaanka maqan.
c) sugida amniga, d) waxbarashada, e) caafimaadka, f) kobcinta dhaqaalha iyo g) la dagaalanka sixir bararaka. Waxaan kaloo sameyn dhameystirka iyo ansixinya dastuurka, bilowga asxaabta badan iyo nidaamka codeyta guud oo ah iney dadku codeyaan halka 66 ka xubnood ee baarlamaanku ka codeynayaan, dhinaca kale waxaan sameyn barnaamijyo ku dhiiri gelinaya in qurba joogta reer Puntland ku soo laabtaan wadankooda ugana qeyb qaataan horumarinta dhulkooda dhinac dhaqaale bulsho iyo siyaasadeedba.
 
(HOL) Maxaad kaga duwantahay musharaxiinta kale, adiga Suliman ahaan?
Suliman: Anigu waxaan kaga duwanahay musahrixiinta kale marka hore waxaan ahay nin hore wax weyn uga qabtey wadanka Puntland anigoo dhisay cusbitaalka ugu weyn Puntland kana dhisey Gobolka Cayn magaala madaxdiisa Buuhoodle kaasoo ay ku baxday lacag aad u badan arintaasina waxay ku tusaysaa inaan ahay nin ay dhab ka tahay wax u qabadka dadkiisa ee aanan ahayn nin raba inuu ka danaysto ama hunguri ka raadsado dadkiisa oo haatan aad ugu baahan gacan qabasho iyo wax tar.
 
(HOL) Waxaa jira dad aaminsan in Puntland beelaha ku bahoobey ay xukunka qaybsadeen oo adiga beesha aad ka soo jeedaa aysan xaq u lahayn jagadan madaxweynaha ee aad u sharaxantahay balse ay leedahay jagada, arintaas maxaad ka leedahay?
 
Suliman: Arintaasi waa mid aan waxba ka jirin kuwa aaminsanina waa kuwo runta ka fog isna tusay arin qalooca khaladan oo aan wacnayn. Ma jiro sharci arintaa dhigaya mana jiro meel beeluhu ku wada hadleen oo ay sidaa isku af garteen.
Waxaa hubaal ah inay fashilanyihiin maamulka hadda jiraa loona baahanyahay isbadal degdega oo badbaadiya Puntland dhaliyana midnimo, nabad waarta iyo horumar.
 
(HOL) Ma fileysaa in doorashada la qaban doono waqtiga loogu talan galey mase rajeynaysaa in ay si caddalad ah u dhacdo?
Suliman: Waxaan ku rajaweynahay in doorashadu dhacdo wakhtiga loogu tala galey waxaana haboon in si dhakhso ah loo magacaabo guddida doorashooyinka oo xubnaheedu si adag uga shaqeeyaan hirgelinta iyo ilaalinta doorashada.kuwaas oo magacaabisteeda ay wadajir u soo saaraan maamulka, Baarlamaanka iyo Musharixiinta.

(HOL) Waxaa la isla dhexmarayaa in maamulka Cadde Muuse uu qorsheynayo inuu dagaal qaado dhinaca Laascaanood si uu wakhtiga u kordhisto oo aan doorashaba u dhicin maxaad arintaa ka oran lahayd?
 
Suliman: Waan maqlay warka noocaasa in wax ka jiraana u maleynmaayo balse haddii wax ka jiraan waa mid dhalinaysa mushkilad iyo burbur hor leh. Degaanka maqan sida Magaalo madaxda Sool ee Laascaanood waxa ay hadda maqantahay in ka badan hal sano maamulka hadda jiraana markii horena isagaa sahley qabsashadeeda markii danbana ku guul daraystey soo celinteeda mana aha wax dadka u cuntamaya oo la yeeli karo in Laascaanood loo isticmaalo in doorasho lagu kordhisto ma aqbalayno suurtana gelimeyso. Maamulka hadda jiraa waa qaatey fursadiisii ku aadaneyd soo celinta deegaanka la haysto waana ku guul daraystey. Deegaanka la haysto iyo sidii loo soo celin lahaa waxay u taalaa maamulka iman doona laba bilood ka dib haddii Eebe idmo.
 
(HOL) Isimada qaarkood iygoo ka shaki qaba in doorashada la khiyaamo ama baarlamaanka la iibsado waxay soo jeedinayaan in wax lagu doorto nidaamka Ergooyinka oo hore looga isticmaaley halkaas sanadkii 1998 kii, sidee arintaa u aragtaa?
 
Suliman: Sida sharcigu dhigayo waa in ay codka bixiyaan 66ka xubnood ee baarlamaanka balse haddii la arko inay haboontahay xalkuna ku jiro  ayna jiraan sababo kalifaya in habka  ergooyinka wax lagu doorto Isimaduna ay  isku raacaan dantana sidaa u arkaan annigu waxba kama qabo.
 
(HOL) Adigu rajo intee la eg baad ka qabtaa in aad ku guuleysato doorashadan?
Suliman:  Illaahay baa guusha iyo kursigaba haya anniguna kalsooni weyn baan qabaa inaan guusha qaadanayo haddii Ilaah yiraahdo.
 
 
(HOL) Dadka qaarkood waxay leeyihiin Puntland waxaa maanta looga baahanyahay nin Askari ah oo dagaalama soona celiya degaanka Puntland ka maqan adiguna madaama aadan Askari ahayan aanay maanta maalintaadii ahayn, maxaad arintaa ka qabtaa?
 
Suliman: Madaxweynaha hadda talada Puntland hayaa waa askari isagaana dalka laga qabsaday. Askari looma baahna maanta ee waxaa loo bahaanyahay caqli iyo aqoon  xaliya dhibaatooyinka jira soona kordhiya horumar waxna ka badala nolol xumida iyo amni laanta haatan ka jira deegaanka Puntland.

(HOL) Waxaa jira in ay burcad badeed ka dilaacday xeebaha Puntland oo maraakiib badan oo u kala qoosha caalamka lagu afduubtay gacanka badda Cas iyo badweynta India, oo caalamka oo dhan uu isha ku hayo, hadii aad ku guuleysato maamulka madaxtinimadda Puntland, maxaad ka qabaneysaa Burcad Badeedka jah wareer ku riday caalamka io xukuumadda Puntland?

Suliman: Runtii waa jirtaa arinta Burcad badeedka in ay dhibaato badan ku hayaan Puntland iyo dhamaan xeebaha Somalia oo dhan. Hadii aan ku guuleysto madaxnimadda maamulka Puntland , waxaan dhisi doonaa ciidan u gaar ah ilaalinta xeebaha Puntland oo qalab casri ah wata. Isla markaasna la kasha doonaa caalamka.

(HOL) Ugu danbeystii maxaad kula dardaarmeysaa dadweynaha reer  Puntland?

Suliman: Waxaan kula dardaarmayaa dadweynaha nabadda jecel ee reer Puntland in ay ka shaqeeyaan wada jirka shacabka reer Putland ilaaliyaane nabadda.

Hiiraan Online ,Columbus, Ohio