Qormadii: Mohamed Dalmar
Saturday, January 12, 2008
Waxaan jeclahay inaan akhristayaasha, siiba kuwa ah reer Ottawa, la qaybsado daraasad ay sameeysay hay’adda Social Planning Council of Ottawa[1] oo baareeysa xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dadka madow oo ku nool Ottawa, ooy jaaliyadda Soomaalidu ka mid tahay. Daraasadaan oo soo jiidatay dareenkayga ayaan rabaa inaan in yar wax ka tusaaleeyo. Wax badan ayaan ka hadalnaa xaaladda dalkii hooyo ee murugsan, waana gar in laga hadlo. Waxaase sidoo kale ka-hadal mudan xaaladda qurbajoogga oo iyana walwalkeeda leh. Maqaalkaanina arrintaas ayuu wax ka taabanayaa.
Daraasadaan oo dheer, waxaan ka soo qaadanaya inta sida gaarka ah u khuseeysa Soomaalida Ottawa deggan. Daraasaddu waxay ku saleeysan tahay xogtii laga helay tirakoobkii laga sameeyey dalka Kanada sanadkii 2001. Sida la ogsoon yahay, waxaa ka dambeeyey tirakoobkii 2006 oo aan weli la lafagurin (shantii sano oo kastaba waxaa la sameeyaa tirakoob).
Daraasadaas waxaa ka soo baxay sawir ah in dadka madoobi ay ku jiraan dabaqada ugu hooseeysa ee bulshada reer
Bilowga, darasaaddu waxay tilmaan guud ka bixisay dadka madaw ee
Tirada Soomalida ku nool
Tirakoobku wuxuu diiwaangeliyey in sandkii 2001 ay magaalada Ottawa deggenaayeen 34,645 ruux oo madow, taasoo Ottawa ka dhigtay magaalada saddexaad ee madawgu ugu badan yihiin, iyadoo kaalinta kowaad iyo labaadna ay kala galeen magaalooyinka Toronto iyo Mississauga. Xagga Soomaalida,
Tirakoobka rasmiga ahi wuxuu tilmaamayaa in sanadkii 2001 ay
Shaxda 1: Bulshooyinka madow ee ugu badan
|
Bulshada |
Tirada |
|
Somali |
8,280 |
|
Jamaican |
5,775 |
|
Haitian |
4,610 |
|
Ethiopian |
1,625 |
|
West Indian |
1,310 |
|
Eritrean |
890 |
Shaqo-la’aanta haysata Soomaalida Ottawa
Heerka shaqo-la’aantu (unemployment rate) wuxuu muujinayaa qaybta dadka awoodi kara inay shaqeeyaan, raadinaya shaqo, haseyeeshee shaqo-la’aan ah. Sida ka muuqata shaxda labaad, heerka shaqo-la’aanta Soomaalida ayaa ah
Shaxda 2: Heerka shaq-la’aanta (unemployment rate)
|
Bulshada |
Rag iyo dumar |
Dumar |
Rag |
|
Somali |
21.2 |
25.9 |
17.1 |
|
Pakistani |
16.6 |
21.5 |
14.2 |
|
Arab (kala duwan) |
16.2 |
19.7 |
14.4 |
|
African (kala duwan) |
13.6 |
16.7 |
11.1 |
|
Haitian |
13.6 |
15.9 |
11.4 |
Dakhliga
Shaxda saddexad waxay muujinaysaa dakhliga dhexdhexaadka ah (median) ee soo gala bulshooyinka qaarkood. Mar kale, waxaan arkeeynaa in dadka midabka leh ay ugu liitaan bulshada, Soomaaliduna kuwaas ka sii liitaan. Sida ka muuqata shaxda, dakhliga dhexdhexaadka ah ee Soomaalida
Dakhliga hooseeya waxaa sababaya shaqo-la’aanta, dadka intooda badan oo ku shaqeeya waqti-dhimman (part-time) iyo mushaharooda oo yar.
Shaxda 3: Dakhliga (median income)
|
Bulshada |
Dakhliga |
|
Somali |
$11,500 |
|
Arab (kala duwan) |
$12,000 |
|
Haitian |
$15,000 |
|
Latin American |
$17,000 |
|
African (kala duwan) |
$17,000 |
|
Norwegian |
$36,000 |
|
Ukrainian |
$33,500 |
|
Welsh |
$33,500 |
Saboolnimada
Hay’adda Tirakoobka Kanada (Statistics Canada) waxay sanad walba soo saartaa waxa loo yaqaan “Low income Cut off” oo ah halbeegga ama cabbirka lagu qiyaaso saboolnimada. Haddi si kale loo dhigo waa dakhliga ugu yar oo qofku ama xaasku si mustakafi ugu noolaan karo, hadduu hoos uga dhacana uu ku sifoobayo sabool ama faqiir. Bil matal, sandkii 2000 xaaskii ka kooban hal qof wuxuu ugu yaraan u baahnaa dakhli dhan $18,371, labadii qofna $22,964, saddexdii qofna $28,560 iwm. Intaas qofkii ama qoyskii dakhligoodu ka hooseeyo waa sabool. Haddii cabbirkaas la qaato, waxaa soo baxaya in 64% Soomaalida
Shaxda 4: Saboolnimada
|
Bulshada |
Heerka |
|
Somali |
61.4 |
|
Arab (kala duwan) |
51.4 |
|
Haitian |
49.7 |
|
African (kala duwan) |
35.5 |
|
Lebanese |
31.1 |
|
Norwegian |
3.8 |
|
Austrian |
3.9 |
|
Swedish |
4.2 |
Gabagabo
Tirakoobkaani wuxuu ku ekaa magaalada
Su’aasha aan haddaba akhristayaasha u soo jeedinayo waxay tahay, maxaa ina ka reebay jaaliyadaha intooda kale oo sababay inaan ugu liidanno bulshooyinka markii laga fiiriyo xagga shaqada, dakhliga iyo heerka nolosha?[7]
Mohamed Dalmar
[1] The Black Community of
[2] Statistics
[3] The Economist, December 18, 2007.
[4] Statistics
[5]
September 2007. Institute for Public Policy Research.
[6] Migration and integration in the Baltic Sea States –
[7] Soomaalida Ottawa waxaa ku jira qaar xirfad iyo aqoon her sare ah leh. Waxaa xusid mudan inay Daraasadaan qortay aqoonyahan soomaali ah: Hindiya Maxamad oo waqtigaas u shaqqyneysey hay’adda Social Planning Council of Ottawa