advertisements

KANAVA OO NOQOTAY HORYAALKA EUROSOM IYO XAFLADII XIRITAANKA CIYAARAHAAS.

Koobka Sannadkan Eurosom
Captanka Kooxda Kanava oo la guddoonsiinayo koobkii sannadkan ee Eurosom 2007


Helsinki, Finland
Sabti, Aug 3, 2007

 

Kanava & Al-HijraKooxda Kanava ee wadankan Finland ayaa mar labaad ku guuleystay koobka sannadkan ee Eursom 2007 ka dib markii ay 1-0 kaga guuleysteen Kooxada  Al-Hijra ee LONDON. Kanava ayaa  horay magaalada Gothengurg ee dalka Sweden ugu guuleysatay horyaalkii Eurosom 2004. Ciyaaryahankii aan ka xasuustay kooxda Kanava ayaa waxaa uu ahaa gool hayaha Abdulrahman Bashiir.

 

Ciyaartan kama demeystay ama Finalka ayaa waxaa daawashadeeda  ka soo qayb galay dadweyn aad u farabadan oo xiisa u qabay in arkaan cidda ku guuleysta Koobka sannadkan ee Eurosom 2007.

 

Cayaartan ayaa oo ay  isaga horyimaadeen kooxaha Al-Hijra (Egland) iyo Kanava (Finland) ayaa aheyd ciyaar aad u adag oo koox walbaa waxaa ay isku dayeysey iney hanato ama noqoto horyaalka EuroSom. Kubadu waxay weerar iyo weerar celis ahaataba, ayaad waxaad arkeysey kooxaha oo kala heystay taageerayaal aad u badan, in ay ciyaarta qaybteedii hore  isla dhaafi waayeen 0 – 0 . Wada tashi ay tababarayaashau kooxohooda la suubiyeen ayaa waxaa qaybtii labaad ee ciyaarta labda kooxoodba ay la soo galee dardar cusub halkaas oo kooxdii magaca Knava ku ciyaaraysey ay u suuro gashay iney gool dhaliyaan oo ciyaartu noqoto 1- 0. Si kastaba ciyaartan oo labada kooxoodba ay dadaal muujiyeen ayaa waxaa ugu danbeeyntii ay ku dhamaatay 1 gool kooxda Kanava iyo Al-Hijra oo aan waxba la imaan.

 

Dadweynihii ka soo qaybgalay

 

Halkaas ayaa waxaa ku soo gabagaboobay tartankii ciyaaraha Eurosom ee sannadkan 2007 oo ka dhacay magaalada Helsinki ee dalkan Finland. Cayaarahaas oo socday 20kii bishii July -  ilaa iyo 1da bishan Augusto ayaa waxaa ka soo qaybgalay 9 kooxood oo kala ah Al-Hijra, Leicester, Birmigham, Waaberi, Hirda, Oslo, Sokao, Kik, Kanava. Tartankan ayaa sannad waliba lagu qabtaa magaalada hadba loo doorto  kuna guuleysta qabashada cayaaraha.

 

XAFLADII XIRITAANKA CIYAARAHA EUROSOM EE SANDKAN 2007-DA

 

AbkowWaxaa xaflad aad loo soo agaasimay lagu soo gabagabeeyey ciyaarihii EuroSom sanadkan 2007. Xafladan ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa madaxa arimaha dibadda ee EuroSom Mudane Maxamuud Shujaac.

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiintii ugu sareeysye Isboortiga Somaaliyeed oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Olympikada Somaaliyeed Mudane Abdulqadir Gacal Abkow iyo Gudoomiye kuxigeenka olympikada dhinaca arimaha dibada Duran, gudoomiye ku xigeenka Horumarinta Bashir Fox, Xghayaha Guud Tarabi, kaaliyaha xoghayaha guud Ahmed Nur ahna gudoomiyaha naadiga Elman, dabcan waxaa xafladan goobjoog ahaa ruug cadaa isboorti , macalimiintii hore iyo kuwa hadda qaranka kubadda koleyga iyo weliba aabaha isboortiga Somaaliyeed ee Finland Macalin Bashiir Abdi Daahir, kabtan Shaash, Eenow,Keynadiid Abdi Dahhir, Caagane.

 

 

Ugu horeeyntii ayaa waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha qabanqaabadda ciyaaraha EuroSom 2007 Mudane Abdulkadir Hadaafow oo runtii marti sharafta iyo ciyaartoyda guud ahaan uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay uga soo qaybgaleen iyo weliba mudadii labada isbuuc aheyd sida ay ula shaqeeyyeen gudiga qabanqaabadda, waxaa kale oo uu  aad iyo aad uga mahadceliyey gudigii qabanqaabadda ee la shaqeeyey iyo dhamaan qaybaha warbaahinta ahaan shabakadda  HIIRAAN ONLINE oo had iyo goor dhiirigelin jirtey dhalinta sportiga Somaaliyeed.

 

Duran Maclin Muuse

 

Gabagabadii ayaa waxaa halkaas shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyey dhamaan cid alaale iyo cidii qayb ka geysatay ciyaarahan qabsoomidooda, waxaa kaloo halkaas lagu gudoonsiiyey ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa oo lagudoonsiiyey inanka lambarka tobanaad uga ciyaara Al-Hijra ciyaaryahan Labof, ciyaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa waa ciyaaryahanka kooxda Leicester u sita lambarka sagaalaad Maxamed Faysal, kooxdii ugu aqlaaqda wanaagsaneed waa kooxdii reer Denmark Kik, waxaa sidoo kale lagudoonsiiyey tababarihii ugu fiicnaa inta ay ciyaaraha socdeen waxaa ku guulaystay tababaraha Leicester Tababare Abdiweli oo ahaa tababare ku dayasho mudan. Dabcan markii la dooranayo ciyaaryahanka iyo tababarah ugu wanaagsan waxaa soo xula tababarayaasha dhexdooda.

 

 

Waxaa isla xafladan ka dhacdey doorashadii ama tartanka ciyaaraha EuroSom ee sanadka 2008 cidii qabanqaabin laheyd ciyaarahaas. Waxaa isa soo sharaxay laba wadan oo kala ah Kik, Denmark iyo Leicester, Uk oo labaduba waxaa ay soo bandhigeen waxdadkii doorashda goob joog ka ahaa ay ladhaceen. Ugu danbeeytii ayaa waxaa lagalay codeeyntii labada kooxood loo codeeynayey, koox walbaa waxaa ay lahaeyd hal cod, codka waxaa lagu ridayey sanduuq xiran oo dadka oo dhan ay goob joog ka ahaayeen, cod bixinta ka dib ayaa waxaa halkaas lagu tiriyey codadkii, ka dibna waxaa halkaa ku guulaystay kooxdii Leicester oo ka socotey dalka Ingriiska. Ciyaarah EuroSom 2008 ayaa haddii alla idmo waxaa lagu qabandoonaa magaalada Leicester ee cariga Ingiriiska.

 

Waxaa soo diyaariyey

Abdiaziz Godah

[email protected]