
War Saxaafadeed
Waxaa shalay oo Khamiis 12ka Oktober 2006, ka dhacay banaanbax xarunta caanka ah oo lagu magacaabo Athletic Club ee Magaaladda Columbus, gobolka Ohio ee cariga Mareykanka, Kaas oo lagu bannanbaxayey Safiirka dawladda Koofurta Afrika u fadhiya cariga Mareykanka Marmo Barbara Meskele oo booqasho gaaban ku timid magaalada Columbus kadib markii ay casuumeen Ururka Columbus Council of World Affairs. Bannaanbaxaas oo si aad ah loo soo agaasimey, si aad ahna looga soo qeyb-galay waxaa iska kaashaday Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyed (Pan-Somali Council for Peace and Democracy), Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee Ohio (Ohio Somali Student Association), ganacsatada Soomaaliyed ee magaaladda Columbus, Ohio iyo dadyow aad u tira badan oo isugu jiray dhammaan qeybaha bulshada.
Dadkii badnaa oo ka soo qeyb-galay bannaanbaxa waxay wateen boorar oo ku qornaayeen hal ku dhegyo aad u qiiro badnaa. Waxaa ka mid ahaa hal ku dhegyadaas: Dawladda Koofur Africa waa in ay si deg-deg ah wax uga qabataa falalka dilka, dhaawaca iyo burburinta hantida ganacsatada Soomaaliyeed oo maganta u ah, in baaritaan deg-deg lagu sameeyo dadka geeystay xasuuqa, in la ilaaliyo xuquuqda aadamiga ee dadka qaxootiga oo ku dhaqan dalka Koofur Afrika iyo qaar ka loo fara badan.
South African Human Rights Commission on the Plight of Somali immigrants
Bannaanxii kaddib waxaa ay safiirka ka codsatay in ay la kulanto qaar ka mid ah abaabulka bannaanbaxa si ay ula fariisato oo ay u dhageeysato dhibaatada ay sheeganayaa. Waxaa fursad u helay 8 qof oo mataliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed inay la kulmaan Safiirka iyo latialiyaha safaaradda dhinaca Siyaasadda. Waxaan la’isla meel dhigay in Safiirka ay gaarsiin doonto ashatakooyinka Dawladda Koofur Afrika. Waxaayna ballan qaaday inay arrinta iyo axwaasha Soomalida ku dhaqan koofur Afrika ay xil weyn iska saari doonto oo ayna ku rajo weyn tahay in Guddiga u dooda Xaquuqda Aadanaha ee dalkooda ay baaritaan rasmi ku sameyn doonaan. Waxaa ay safiirka u soo gudbisay Soomalidii la shirtay bayaan ay soo saartay ururka xuquuqda Aadanaha ee Koofur Africa oo ka dhiidhiyey dhibaatada loo geesto ganacsatada Soomalida oo deggan South Afrika. Soomaalidii goobta ka hadashay waxay uga mahad celiyeen Safiirka sida wanaagsan ay u tixgelisay dacwooyinkooda ayna u Sheegeen in South Afrlka ay ka mid tahay dowladaha Afrikaanka ah ee sida weyn u soo dhoweeyey qaxooti badan ayna rajo ka leeyihiin Koofurta Afrika in ay hormuud u noqoto Afrika marka ay timaaddo ilaalinta xuquuqda dadka qaxootiga iyo kuwa laga tiro badan yahay. Madame Meskele waxay ballan qaaday in ay u soo gudbin doonto arrimihii la isku afgartay iyadoo qoraal ah mas'uuliyiinta Ururka Israaca iyo Ururka Ardayda Ohio.
Wixii Faahfaahin ah kala xiriir Mr. Abukar Osman 614-778-3130 iyo Mr. Ahmed Omar Roble @ 614-432-6688 [email protected]