Magan Daahir ayaa guula isdaba jooga ah waayahaanba ka soo hooynayey cayaarta kubadda miiska ka dib markii uu ku guuleystay Koobka Kubadda Miiska ee Gobolada Dalka Nederlands.
Cayaahaan oo la qabtay 16-12-06 laguna qabtay magaalada Bereda e dalka Nederlnd, ayaa waxaa ka soo qayb galeen 12ka ciyaartooy ee ugu wanaagsan dalka
Mucjisadii kubada miiska Mr Magan oo ka socday gobolka Flits ayaa waxay fooda is dareen 11 cayaartooy oo ayaguna ka kala socday gobolada dalka Nederlands, sida,.
Magacyada cayaartoyda Gobolka
Magan
Jeroen Kuipers,
Rudie van der Kooy,
Jolanda Paardekam,
Cor Tiesters,
Kees Kuperus,
Janneke Pouw, ISVA,
Cor Kock,
Cayaarahan oo ahaa is wada arag ay is wada arkayeen dhamaan 12kacayaartooyba ,. Cayaartooygii ugu dhibca batana uu halkaa ku hanan doono koobkii sanadka ee gobolada dalka Nederland.
Cayaarahn oo socday laba cisho , shacabwaynaha xiiseeya kubada miiskuna ay wada sugayeen cayaarahan, maadaamaa ay ka soo qaybgalen 12ka ugu wanaagsan ee reer Nederland.
Mr. Magan oo mucjisadii kubada miiskee 11ki ciyaarood ee uu wada ciyaaray waxaa uu badiyay 10 ka mid ah , waxaana laga badiyay hal mar . Mr Magan waxa uu halkaa uu kala tagay koob aad u quruxbadan, guul iyo magac, iyo waliba isagoo loo magacaabay kabtanka kooxda Nederlands masali doona 2008 olympic Beijing.
Waxaa iyana marnaba la ilaawi karin garoonka magaciisa la yitaa TTV �BELC
Lagu iiminayay funaanado uu ku qoran yahay Mr MAGAN , taasoo dhamaan taageerayaashii garoonka isugu yimid ay wada iib sanyeen Funanadaha uu magaciisu ku qoran yahay Mr MAGAN, DAHABSHIIL , HIIRAAN, taasoo uu Mr Magan u balan qaaday shacabweynihii iibsanayay in kharashka wixi ka soo baxa loogu deeqi doono gobolada Somaliyeed ee ay fatahaada wabiyada waxyeeleeyeen.
Waxa iyana shirkada funanadahan iibin doonaa balan qaadeen in ay sida ugu dhakhsaha badan gaarsiindoonaa dhamaan tukaamada sportiga si ciddii rabta ay sahal ku iibsan karto.
Waxaa hadaba akhristoow mahadaas leh walaalkeen Mr Magan oo suurta galiyay in uu magaca Somaliyeed kor u soo qaado , isaga oo sanaka 2008 Beijing ku ciyaari doona funaanad ay ku qoran tahay Dahabshiil.
Waxaan iyagana u mahad celinaynaa shirkada DAHABSHIIL iyo dhamaan warbaahiyayaasha suurta galiya in ay soo tabiyaan cayaaryahankeena qaaliga ah Mr Magan.
OBC: hadii aad akhriso afka Nederland please booqo----
http://www.nttb.nl/index.php
Mahadsanidin By Mahad Turbashaash
[email protected]
Magan kala xiriir E-mailka ah: [email protected]