Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in khasab looga saarayo ciddii diidda inay Xarumaha Dowladda ka baxdo
Talaado, Feberaayo 07, 2012 (HOL) − Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahan duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay howlgallada ay dowladdu uga saarayso dhismayaasha xukuumadda dadka daggan aya wuxuu sheegay in ciddii diidda si khasab ah looga saarayo guryaha dowladda.
Maxamuud Tarsan ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo dhisi lahaa xarumaha dowladda si loogu shaqeyo, wuxuuna daboolka ka qaaday inaan loo dulqaadan doonin in dantda guud ay cidi si gaar ah ugu daneysato.
"Ciddii diidda inay ka baxdo guryaha dowladda xoog ayaa looga saarayaa, waayo dadka daggan ma ahan kuwo ixsaan ku daggan ee ijaar ayaa laga qaataa, meel kale oo ay dagaanna way heli karaan," ayuu yiri Tarsan.
Duqa Muqdisho, wuxuu sheegay inay jiraan dad doonaya inay dayactirraan xarumaha dowladda iyo iskuullada si waxbarashada iyo howlaha xukuumadda loosoo celiyo.
"Laba qaybood ayaa loo qaybiyay dhismayaasha xukuumaddu leedahay dowladda ee dadka laga saarayo, kuwa hadda loo hayo dhaqaalaha lagu dayactirayo dadka waa laga saarayaa, kuwa aan loo haynna markii loo helo dhaqaale ayaa laga saarayaa," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo maalintii saddexaad ay ka socoto Muqdisho olole dadka shacabka looga saarayo guryaha ay daggan yihiin, iyadoo madaxweynuhu uu booqday goobo qoysaskii daggnaa oo qaarkood ay dibadda xarumahaas dhooban yihiin iyagoo sheegay inaysan dowladda KMG u diyaarin meel ay dagaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya