6/1/2025
Today from Hiiraan Online: President Mohamud announces National Consultation Forum amid...
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2010
Xulka Qaranka Spain oo Xalay ka Guuleystay Germany Una soo Baxay Ciyaarta Finalka ee Koobka Aduunka

Khamiis, 08, July, 2010 (HOL)- Xulka Qaranka Spain ayaa xalay ka guul gaaray Ciyaartii ay la yeesheen Xulka Germanay ,taasi oo ka dhacday Garoonka Darban Stadium ciyaar ka mid ahayd Simi Finalka Koobka Aduunka.
Ciyaartii Xalay ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay Xulka Spain ugu soo baxeen Ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka aduunka ,taasi oo dhacaysa 11 bishan Jully ee ay isku arkayaan Xulka kale ee Netherland.

Goolka Qura ee Kooxda Spain ay ku badisay waxaa u saxiixay laacibkooda daafaca uga Safta ee Carlos Puyol daqiiqadii 73aad ee Qaybtii danbe ee Ciyaarta ka markii uu ka faa,idaystay koorno uu soo tuuray Xavi Harnands.
Xulka Qaranka Germany waxaa rajo beel ku abuuray Goolka Carlos Puyol,Waxaana Garsoorihii ciyaarta hayay oo Lagu magacaabo Fiktor Kasai uu go,aamiyay in guushii ay raacday Xulka Qaranka Spain markii ugu horaysay inta la ogyahay taariikhda.

Spain ayaa hadii ay ku guuleysato Koobka Adduunka waxay markii ugu horeysay tan iyo 1972-dii la mid noqon doontaa kooxdii la oran jiray West Germany, taasoo ku guuleysatay horyaalnimada Qaarada Yurub iyo weliba Koobka Adduunka.

Xulka Germany ayaa Sabtida waxa ay  la ciyaari doonaan Xulka Qaranka  Uruguey,Waxaana kooxdii badisa ay soo gali doontaa kaalinta sedexaad ee koobka aduunka

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
Boston@hiiraan.com
Bosaso,Somaliya