WAR SAXAAFADEED
22 Jannaayo 2009
Bishan Jannaayo, 2009, Dowladda Mareykanku waxa ay iyada oo u soo marsiineysa Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah waaxdeeda Afrikada Bari (USAID/East Afrika), ay $60 milyan oo qaaraan cusub ah siisey Barnaamijka Qaramada Midoobey ee Cuntada Adduunka (WFP) taas oo ahayd qiyaastii 81,000 mitric tan oo badeecooyin cunto oo loogu talogalay dadka Soomaaliyeed iyada oo qayb ka ah barnaamijka USAID ee Cunto Nabad-ku-Beddelashada (FFP). Deeqdan ayaa ka dhigeysa $140 milyan wadarta cuntada ay Dowladda Mareykanka Sanad-maaliyadeedka 2009 (Oktoobar 1, 2008 – Sebtembar 30, 2009) ugu yaboohdey dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Cuntada nafaha lagu ilaaliyo sida massago, saliidda cuntada, digir iyo galley/Soya isku shiidan ayaa gacan ka geysanaysa badbaadinta kummanaan nafood oo Soomaaliya oo dhan ku baahsan.
Yabooha ugu weyn ee dhinaca baahida maaliyadeed ee Dowladda Mareykanku ugu yaboohdey dadka Soomaaliyeed waa mid ku saleysan cunto nafo lagu badbaadiyo oo nafaqo leh. Barnaamijka USAID/FFP waxa uu bixinayaa tiro aad uga badan kalabar wadarta guud ee cuntada gargaarka ee gaareysa dadka Soomaaliyeed. In kasta oo cuntada gargaarka ay Dowladda Mareykanku maalgeliso laga wada qaybiyo dalka oo dhan, haddana cuntadaas badankeeda waxa ay tagtaa degaannada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ay ka jirto haqab-beel la’aanta cuntada. Cuntada gargaarka ayaa hadda la siinayaa tiro ka badan saddex milyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya.
Cuntada karsan ee degdegga ee ay bixiso WFP, waxa ay tusaale ahaan taageereysaa mid ka mid ah saddexdii carruur Soomaaliyeed oo ay da’doodu ka yartahay shan jir ee nafaqo-xumo hayso. Raashinkan waxa uu taageeraa in ka badan 80,000 oo Soomaali ah (kuwaas oo u badan haween iyo carruur) iyaga oo ka qaadanaya 16 gobood oo Muqdisho ku yaalla. Dowladda Mareykanka waxa ay sidoo kale gacan ka geysaneysaa quudinta dad ka badan 800,000 oo qof oo ay dagaalladu ku soo khasbeen in ay guryahooda ka soo cararaan. Haween iyo carruur kale oo tiro badan oo ku baahsan Soomaaliya oo dhan ayaa nolol-maalmeedkoodu ay ku xiran tahay cuntada Dowladda Mareykanka ay bixiso.
Sida uu sheegeey Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda USAID oo lagu magacaabo Cheryl Anderson, “Dowladda Mareykanka waxa ay taageereysaa geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya waxaana ay ku dadaaleysaa sidii loo hubin lahaa in muddadan kala-guurka, ay dadka Soomaaliyeed ku nool dalka ay maalin kasta helaan cunto ay ku noolaadaan.”
Sanad-maaliyadeedkii 2008, USAID/FFP waxa ay bixisey in ka badan 211,000 mitrik tan oo cunto gargaar oo degdeg ah oo lagu qiimeeyey in ka badan $217 milyan.
