
Khamiis, December 4, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay in munaasibadda Xeer Ciise lagu qabanayo magaalada Saylac badhtamaha bishan, iyadoo sheegtay in dhammaan shacabka Somaliland u siman yihiin dhulka, islamarkaana aan beel gaar ahi meel gaar ah sheegan karin.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo warbaahinta u akhriyay go’aanka kasoo baxay xukuumadda, ayaa sheegay in xukuumaddu ay go’aansatay inay martigeliso munaasibadda Xeer Ciise, taas oo mid ka mid ah beelaha wada dega degmada Saylac ay dhawaan diideen in halkaas lagu qabto.
“Xukuumaddu waxay si rasmi ah u go’aamisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay martigeliso munaasibadda Xeer Ciise, oo ka qabsoomi doonta magaalada Saylac 14-ka December, 2025,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.
Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumaddu ay mas’uul ka tahay ilaalinta amniga munaasibadda, la socoshada hawlaha diyaar-garowga, iyo hubinta in dhammaan hawlaha munaasibaddu u dhacaan si nabad iyo habsami leh. Waxa kale oo uu xusay in xuduud qabiil oo ka dhex samaysanta Somaliland aan marnaba la ogolaan doonin, islamarkaana uu dastuurku reebayo.
“Madaxweynaha Somaliland waxa uu gogol nabadeed u fidinayaa bulshada walaalaha ah ee ku wada dhaqan gobollada Awdal iyo Salal, gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Saylac,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wadahadalku muhiim u yahay in bulshadu is aaminto.
Qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobollada Awdal iyo Salal ayaa ka biyo-diiday in munaasibadda lagu qabto magaalada Saylac, iyaga oo sheegay in iyagu ay leeyihiin Saylac, isla markaana aanay ogolayn in lagu xuso xeerkan soo jireenka ah.
Haddaba, khilaaf xooggan ayaa ka dhex dhashay labada bulsho, iyadoo Somaliland ay ciidamo ku daad-guraysay deegaanada uu khilaafku ka jiro, kadib markii dhallinyaro labada dhinac kasoo kala jeeda ay rabshado dhex mareen.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore u mamnuucday in munaasibadda Xeerka lagu qabto gudaha Somaliland, balse Madaxweyne Cirro ayaa dhawaanahan kulamo isdaba joog ah la lahaa odayaasha beesha kasoo horjeeda xeerka, taas oo laga yaabo inay saamayn ku yeelatay isbeddelka go’aanka xukuumadda.