Dowladda Mareykanka oo amaro kusoo rogtay shirkadaha xawaaladaha ee kuyaala dalka Maraykanka

Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan lacagaha sharci-darrada ah ee dhexmara nidaamka maaliyadeed ee dalkaasi. 

Hay’adda Joojinta Dembiyada Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda (FinCEN) ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay kordheen lacagaha ay dirayaan shakhsiyaad sharci darro ku jooga gudaha Mareykanka, kuwaas oo lacago si aan sharci ahayn ku helay.

FinCEN waxay sheegtay in arrintan ay khatar weyn ku tahay amniga qaranka, waxayna ugu baaqday ganacsiyada maaliyadeed inay si buuxda u feejignaadaan marka ay arkaan dhaqdhaqaaqyo lacageed oo laga shakiyo.

Kaaliyaha Xoghayaha ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda, John K. Hurley, ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka maaliyadeed iyo ka hortagga  lacagaha sharci-darrada ah.

Digniintan ayaa qayb ka ah amar oo diiradda saaraya ka hortagga dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee khatarta ku ah amniga dalka Maraykanka. Dowladda Maraykanka waxay xustay in hay’adaha maaliyadeed sida Xawaaladaha in looga baahan yahay inay soo gudbiyaan warbixinnada dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan ee qabashada in ka badan 2,000 oo dollar, gaar ahaan haddii ay jiraan calaamado muujinaya in lacagahaasi ka yimaadaan il sharci-darro ah.

Arrintan cusub ayaa saameyn ballaaran ku yeelan doonta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, maaddaama boqolaal kun oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin lacagaha biilka ee ay u diraan ehelkooda ku nool Soomaaliya. 

Waxaa loo arkaa in ay culeys gaar ah ku tahay Soomaalida aan weli haysan sharciyo buuxa oo dalka Mareykanka u oggolaanaya inay si caadi ah u shaqeystaan oo lacag u diraan dalkooda. Mareykanka ayaa horey cadaadis ugu hayay xawaaladaha Soomaalida, kuwaas oo la dulsaaray kormeer oo aad u adag.