Shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdisho


Jimco, November 28, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii hore ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay dekada weyn ee Muqdisho uu ku dhacay Mooto Bajaaj mareysay wadada oo ay saaranayeen sadax ruux.

newsinsideSadaxda ruux ee saarna Bajaajta ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu geeriyooday, iyadoo labada ruux ee kale uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho. 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in darwalkii waday gaariga Xamuulka ah uu isaga baxday goobta uu shilka ka dhacay, islamarkaana haatan ay baadi goob ugu jiraan ciidamada amaanka sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen.

Shilkaan saakay ka dhacay Isgoyska Jubba ayaa sababay in mudo kooban uu xirmo dhaqdhaqaaqii isku socodka wadadaas, waxaana xusid mudan shilalka noocan oo kale ah inta badan loo sababeeyo khibrad yarida darawalada qaar oo gaadiidka si xad dhaaf ah u kaxeeya, taasina ay keento inay lumiyaan xakamaynta gaariga marka ay wajahaan xaalado halis ah.