Soomaalida Minnesota oo cabsi iyo walbahaar ka muujisay joojinta sharciga deganaanshaha kumeel gaarka ah ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Trump


Axad, November 23, 2025 (HOL) - Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa muujisay walaac xooggan kadib markii Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in uu joojinayo barnaamijka ogolaanshiyaha shariceed (Temporary Protected Status TPS) ee qaar kamida h  dadka Soomaaliyeed ugu nool yihiin Maraykanka, isaga oo ku sababeeyay eedeymo ku saabsan musuq-maasuq ka dhacay gobolka.

Minnesota oo hoy u ah Soomaali lagu qiyaaso ku dhowaad 80,000 qof, ayaa laga soo sheegayaa cabsi sii kordheysa, inkastoo dadka haysta sharciga kumeel gaarka ee TPS ay ka yar yihiin boqolkiiba hal.

“Arrintan aad bay u cabsi gelisay bulshada, dad badan ayaa dareensan in ay halis ku jiraan,” ayuu yiri Khalid Omar oo ka tirsan maamulka xarunta Dar Al-Farooq ee Bloomington.

newsinsideUrurrada bulshada iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay go’aankan mid saamayn ku yeelan kara Soomaali badan oo dalka Maraykanka ku jooga ogolaanshahan. 

Mahdi Warsama, oo ah madaxa ururka waalidiinta Soomaaliyeed ee taageera carruurta Soomaaliyeed ee qaba Autism (Somali Parents Autism Network), ayaa sheegay in aanan la aqbali karin in bulsho dhan lagu ciqaabo khaladaad ay sameeyeen tiro yar.

Dadka Soomaaliyeed ee haysta TPS, qaarkood oo muddo tobanaan sano ku noolaa Mareykanka, ayaa hadda wajahaya mustaqbal aan caddayn. Qaar badan ayaa ka baqaya in lagu celiyo Soomaaliya oo ay weli ka jiraan cabsi iyo amni darro.

Jaylani Hussein oo ka tirsan CAIR-Minnesota ayaa sheegay in go’aanka uu sababi karo kala go’ qoysas badan, maaddaama carruur badan oo Soomaaliyeed ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah halka waalidkood ay haystaan TPS.

Inkasta oo Madaxweynaha uu ku dhawaaqay joojinta, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa weli si rasmi ah u fulin joojinta barnaamijka, waxaana la filan karaa in maxkamadaha lagu murmo arrintan.

Dadka Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa hadda raadinaya talo sharci, halka kuwo kalena ay rajo ka qabaan in madaxweynaha uu beddelo go’aankiisa.