Sabti, May 17, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galaya, khudbadna ka jeedin doona Shir madaxeedka 34aad ee Ururka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya magaalada Baghdad ee Caasimadda Dalka Iraq.
Shirka waxaa ka qeyb gali doona marka laga soo tago madaxda Ururka Jaamacadda Carabta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutares iyo ra'iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez, oo shir-madaxeedka uga qaybgalaya hab marti-sharaf ahaan.
Baqdaad ayaa martigelin doonta shir madaxeedka 34-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta maanta oo sabti ah kadib markii wasiirada arrimaha dibadda Carabta ay ansixiyeen ajandaha shirkaan Khamiistii lasoo dhaafay, oo ay ugu weyn tahay arrinta Falastiin, oo ka kooban shan qodob iyo shan hindise.
Shir madaxeedka sanadkan ayaa halku dhigiisu yahay “Wadahadal, Midnimo, iyo Horumar” iyadoo ay jiraan arrimo badan oo Carbeed oo cakiran, oo ay ugu horreeyaan dagaalka Israa’iil ee dabar-goynta ah ee Marinka Gaza, oo hadda socda bishii sagaal iyo tobnaad, oo ay weheliso xasaradaha kale ee gobolka oo ay ku jiraan Suuriya iyo Suudaan.
Inta ugu badan Khudbadaha madaxdaan waxa ay diirada ku saari doonaan sida ay uga xun yihiin dhibaatada lagu haayo Shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa reer Gaza waxaana la filayaa inay soo saareen warmurtiyeed ay ku cambaareenayaan dhibaatada ay Israel kawado Gaza.
Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Shara'a ayaa kasoo cudur daartay ka qaybgalka shir madaxeedka Baqdaad iyadoo Madaxtooyada Suuriya ay xaqiijisay in wasiirka arrimaha dibadda Asaad al-Shaibani uu dalkiisa ku matali doono shirka.