6/16/2025
Today from Hiiraan Online: Turkish vessel Oruc Reis returns home after 234-day seismic ...
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2025
Qarax khasaare geystay oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Jimco, May 16, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob laamiga degmadaas oo ay dhalinyarada ku galaan sawiraanta.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa 7 ruux.

7 ruux ee qaraxa ku dhaawacantay ayaa laba ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidanka dowladda, halka shanta ruux oo kalana ay yihiin dad shacab ah oo kala ahaa labo gabdhood iyo sadax wiil.

Dadka dhaawacmay ayaa lasoo wariyay in qaarkood lugaha ka goysay miinadu, waxaana dhaawacyadooda la geeyay isbitaalo ku yaala Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Shuqaale ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay haatan wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka degmada.

Goobtaan uu qaraxa ka dhacay galabta waxaa horay sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo khasaare kale duwan geysatay oo lala eegtay dhalinyarada halkaasi u tagta iney isku sawiraan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.