Jimco, May 16, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo dadkii lagu xidhay mudaharaadkii shalay ka dhacay Burco. Waxa kale oo uu amray in baadhis lagu sameeyo dhacdadaas.
Madaxweynaha oo si gaar ah ula hadlay bulshada reer Burco ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen labadii dhallinyaro ee ku geeriyooday mudaharaadkii shalay. Waxa uu sheegay in warar been abuur ah oo lagu faafiyay bulshada dhexdeeda ay sababeen qalalaasaha dhacay.
"Waxaan u sheegayaa shacabka Somaliland, gaar ahaan bulshada reer Burco, in dadka lagu kiciyay warar been ah oo aan jirin. Waxa aynu ka baranaynaa arrintan in laga bilaabo hadda kadib laga fogaado beenta iyo wararka aan la hubin," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu intaa ku daray in xalayba uu magaalada Burco u diray wafti ka kooban wasiiro iyo saraakiil sare, si ay u qiimeeyaan xaaladda, isagoo sidoo kalena amar ku bixiyay in baadhis buuxda lagu sameeyo cidda ka dambaysay kacdoonka iyo abaabulka bulshada ee rabshaduhu ka dhasheen.
Dhanka kale, waxa uu amray in la sii daayo ugu yaraan 150 qof oo shalay lagu xidhay mudaharaadka, taasoo uu fuliyay kadib heshiis ay xalay gaadheen madaxda amniga gobolka Togdheer iyo waxgaradka degmada Burco.
Mudaharaadka shalay oo ay ku dhinteen 2 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 40 kale, ayaa bilowday kadib markii bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Somaliland ay shuruud la'aan ku sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.
Mudaharaadka ayaa uu isu beddelay rabshado, waxaana dhacay isku dhac dhexmaray dadkii mudaharaadayay iyo booliiska. Dadka mudaharaadayay ayaa gubay qaar ka mid ah baabuurta booliiska, halka ay qaar kalena burburiyeen. Intaas kadib, ciidanka milaterigu ayaa soo galay magaalada Burco, iyaga oo shacabka la hadlay kana codsaday in la joojiyo mudaharaadka.