6/17/2025
Today from Hiiraan Online: Puntland frees seven Yemeni fishermen after nearly two month_
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo mudo dheeri ah ku daray diiwaan galinta dadweynaha
 

Jimco, May 16, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga ayaa ku dhawaaqay mudo kordhin dheeri ah oo lagu daray diiwaan galinta codbixiyaasha golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ololaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir lagu daray hal bil oo dheeri ah ama mudo 30 cisho ah, taasoo uu tilmaamay iney tahay mid fursad dheeraad ah lagu siinaayo dadweynaha aan wali iska diiwaangelin.

"Muddo hal bil ah ayaan ku kordhinay ololaha ay isku diiwaan galinayaan shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir, mudo kordhintaan waxay timid kadib markii is diiwaan galinta aysan si toos ah uga wada bilaaban hal mar degmooyinka Muqdisho, waxaan garawsanay in dadweynaha fursad kale oo ay isku diiwaan galiyaan loogu daro" ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Wuxuu sidoo kale shaaciyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka iney si rasmi ah u diiwaan galiyeen ilaa 30 xisbi oo ka qeyb gali doona doorashooyinka dalka.

“Waxaan xaqiijineyna in ilaa iyo hadda 30 urur siyaasadeed ay is diiwaangeliyeen, kuwaasoo diyaar u ah in ay ka qeybgalaan doorashada la filayo.” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.

Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in diiwaangelinta cod bixiyeyaasha dadweynaha ay dhawaan ka bilaabi doonaan deegaanada dowlad goboleedyada kala Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, SSC Khaatumo iyo gobolka Gedo ee hoostaga Jubbaland.

"Dhawaan waxaan qalabka geyn doona xarumaha maamul goboleedyada kala Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland oo iyana laga bilaabi doono diiwaan galinta cod bixiyaasha golayaasha deegaanka" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan.

Si kastaba ha ahaatee mudo kordhintaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay si toos ah uga socdeen inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ololaha is diiwaan galinta cod bixiyaasha golaha deegaanka degmooyinka magaalada Muqdisho.