6/15/2025
Today from Hiiraan Online: Somali spaza shops reopen in Cape Town after uneasy truce wi...
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2025
Khasaaraha ka dhashay mudaharaadkii shalay ka dhacay Burco oo faahfaahsan
 

Jimco, May 16, 2025 (HOL) - Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay, 40 kalena  way ku dhaawacmeen mudaharaadkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee Somaliland.

Mudaharaadkan oo ay dhigeen dadweyne cadho ka muujinayay warar sheegaya in la sii daynayo askartii ay Somaliland ku qabatay dagaalkii Laascaanood, ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.

" 2 qof waa dhimasho, 40 waa dhaawac, 15 baabuur ayaa la burburiyay, qaar ka mid ahna waa la gubay. Dhagxaanta nagu dhacaysay waanu u dulqaadanaynay, waxa aanu cararaynay si aanu uga hor tagno in khasaare dhaco. In ka badan 150 qof ayaa xidhan. Nabadeena aynu ilaashano," ayuu yidhi Taliyaha Booliiska Qaybta Gobolka Togdheer oo warbaahinta la hadlay.

Booliiska ayaa xabbado nool u adeegsaday dadka mudaharaadka dhigayay, kuwaas oo dhagxaan kala hortagay ciidamada ammaanka.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kaah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay awoodda uu booliisku adeegsaday.

"Xisbi ahaan, waxa aanu aad uga xunnahay una cambaaraynaynaa jawaabta Xukuumadda oo ku dhisnayd adeegsiga awood xad-dhaaf ah, oo aan waafaqsanayn Dastuurka JSL iyo xeerarka ka farcama. Talaabooyinkaas ma aha kuwo xal u noqon kara mudaharaadyada shacabka," ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xisbiga Kaah.

Waxgaradka magaalada Burco iyo saraakiisha gobolka oo warbaahinta la hadlay ayaa isku raacay in khasaaraha ka dhashay mudaharaadka ay xukuumaddu qaadato, in la sii daayo dhammaan dadka xidhan, in nabadda laga shaqeeyo, iyo in madaxda sare ee Somaliland ay yimaadaan magaalada si shacabka loo qanciyo.

Garyaqaan Guleed Dafac oo ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo xuquuqal-insaanka ayaa sheegay in kacdoonka maanta dhacay uu ka dhashay xukuumadda  dadweynaha aan si buuxda u siin xogta  maxaabiistii hore loogu wareejiyay Puntland, taasoo keentay in dadku qaadaan shaki ah in la sii daynayo maxaabiista kale ee wali xidhan, iyada oo weli ay jiraan askar badan oo Somaliland kaga xidhan Laascaanood.

Inkasta oo xukuumaddu beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in xukuumaddu doonayso inay sii dayso dhammaan maxaabiista iyada oo aan la soo dayn maxaabiista Somaliland ka xidhan.