Khamiis, May 15, 2025 (HOL) - 103 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqala ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah usoo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka isaga dego.
Xildhibaanadan oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu si bareer ah ugu xadgudbay dastuurka dalka, uuna ku guuldareystay inuu qabto waajibaadkiisa dastuuriga ah, iyadoo uu dalku wajahayo xaalado amni, dhaqaale, iyo bini’aadamnimo oo aad u adag.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baxay ballanqaadkiisii 29-kii Maarso 2025 oo ahaa inuu isugu keeno hoggaanada siyaasadeed iyo dhaqanka Soomaaliyeed si wadahadal qaran loo helo. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu ku fashilmay muujinta hoggaan xilkasnimo leh oo uu kaga hortago xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira, isagoo doorbiday sida ay sheegeen siyaasado gaar ah oo sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, xildhibaanadu waxay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu meesha ka saaray kala madax bannaanidii hay'adaha dowladda, isla markaana uu ku kacay tacaddi awood, musuq, iyo maamul xumo baahsan, taas oo ay sheegeen in ay sababtay kala fogaansho siyaasadeed iyo caddaalad darro.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in heshiisyo badan oo qarsoodi ah lagu saxiixay magaca dowladda, kuwaas oo aan Baarlamaanka iyo shacabka lala wadaagin. Waxay sidoo kale xuseen inuu si joogto ah u jebiyey dastuurka dalka, taasoo ay sheegeen in ay sabab u noqon karto xil ka qaadis.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweynaha uu si cad u burburiyay Madashii Wadatashiga Qaran, isla markaana uu cadaadis siyaasadeed ku hayo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.
