6/5/2025
Today from Hiiraan Online: Farmaajo criticizes upcoming National Consultation Forum, wa...
Wararka Maanta- Khamiis, May 15, 2025
Kooxaha Fanka oo Si Aan Hore Loo Arag Uga Qaybqaadanaya Diyaargarowga Xuska 18 May ee Somaliland
Kooxda Dayax Band oo 6 Abriil bandhig faneed loogu diyaargaroobayo 18 May ku qabatay Gabiley.

Khamiis, May 15, 2025 (HOL) - Kooxaha fanka ee Somaliland ayaa sanadkan si ka badan sidii hore uga qaybqaadanaya dabaaldegga 18 May, iyaga oo bandhig-faneedyo isdaba-joog ah ka dhigaya guud ahaan gobollada Somaliland.

Si ka duwan sanadihii hore, kooxaha fanka ayaa dhammaadkii bishii Abriil bilaabay bandhig-faneedyo ay ku weynaynayaan qadiyadda Somaliland. Kooxda Dayax Band ayaa 26 Abriil qabatay bandhig ballaadhan oo ka dhacay badhtamaha magaalada Hargeysa. Intaa kadib, kooxdan uu hoggaamiyo hal-abuurka caanka ah ee Daaha Gaas ayaa bandhigyo waaweyn ka dhigtay magaalooyinka Gabiley, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo, oo ay shalay si weyn uga tumeen.

Dhanka kale, kooxda Xidigaha Geeska oo dhawaan laba kaclayn samaysay, isla markaana ay ku biireen fannaaniin badan oo da'yar ah, isla markaana uu dib ugu soo noqday fannaanka Maxamed Siciid BK, oo muddo shan sano ah ka maqnaa fanka ayaa daawaha kasoo qaaday 11 heesood oo cusub, iyaga oo galabta ilaa caawa bandhig ka dhigaya Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa.

"Galabta waxaanu Hargeysa ku leenahay barnaamij aanu ku weynaynayno qaranimada. Waxaan doonayaa aniga iyo saaxiibaday in aanu halkaa dhoolatus qurux badan ka dhigno. Waxaan jeclaan lahaa in qof walba nagala soo qayb galo oo calankana soo qaato," ayuu Maxamed BK u sheegay MMTV ka hor bandhigga caawa.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyaduna qayb ka ah dhiirrigelinta fanka, iyadoo uu dhawaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro madaxtooyada isugu yeedhay dhammaan fannaaniinta iyo hal-abuurka Somaliland, isaga oo mideeyey. Saraakiil ka socda madaxtooyada ayaa si joogto ah ugala qayb qaata bandhigyada kooxaha fanka.

"Munaasibadda waxa ku casuuman dhammaan fannaaniinta: Dayax Band, Xidigaha Geeska, Fannaaniinta Qaranka iyo kooxo kale sida Walaalaha Hargeysa. Fannaaniin waaweyn oo qurbo-joog ah ayaynu leenahay, hadday inoo yimaaddaan way ku casuuman yihiin," ayuu yidhi Agaasimaha Madaxtooyada, Muniir Axmed Cigaal, oo galabta kooxda Xidigaha Geeska kula sugnaa bandhigga Hargeysa.

Heesaha ugu caansan ee sanadkan loogu diyaar garoobayo munaasibadda waxaa ka mid ah hees cusub oo uu soo saaray fannaanka Maxamed BK, oo midhaheeda ugu caansan yihiin: "Ana Koonfur saaciday, safarkana ana u galay, saldhig inay ahaato iyo sifo dowladeed baan baray" iyo heesta la yidhaahdo "Sanka taag adaa soo dhacsaday, waanaad sidataaye" oo uu ku luuqeeyo fannaanka Mustafe Dollar oo ka tirsan Dayax Band.

Marka laga yimaado kooxaha fanka, munaasibadda 18 May sanadkan waa mid ka culus kuwii hore, iyadoo si joogto ah dabaaldegyo uga socdaan dugsiyada waxbarashada iyo goobaha kale ee dadweynuhu isugu yimaaddo. Waxa kale oo jira munaasabado waaweyn oo loogu diyaar garoobayo xuska, kuwaas oo ka dhacaya dhammaan magaalooyinka waaweyn.

Munaasibadda 18 May waa xuska ugu xiisaha badan ee laga sameeyo Somaliland. Maalintan waxa ay ku beegan tahay 18 May 1991, markaas oo Somaliland ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii 1960-kii lagu aas-aasay Jamhuuriyaddii Soomaalida.