6/14/2025
Today from Hiiraan Online: Traditional elders urge opposition leaders to join national ...
Wararka Maanta- Khamiis, May 15, 2025
Save Children oo albaabada u laabaysa qaar badan oo kamid ah xarumaheeda Baydhabo
 

Khamiis, May 15, 2025 (HOL) - Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay dhimista gargaarka caalamiga ah in ay keentay in in ka badan rubuc (27%) xarumaha caafimaadka iyo nafaqada ee Save the Children ay taageerto Soomaaliya ay joojinayaan adeegyadooda bisha Juun ee sannadkan.

Hay'adda Save Children ayaa sheegtay in go'aankan uu halis gelinayo nolosha ugu yaraan 55,000 oo carruur ah oo ka faaidaysan jiray barnaamijyadan hay'adda Save.

Xogta laga helay Waaxda Falanqaynta Amniga Cuntada iyo Nafaqada ayaa muujinaysa in 1.8 milyan oo carruur ah Soomaaliya ay sanadkan la kulmi doonaan nafaqo-xumo daran, iyadoo 479,000 laga cabsi qabo inay wajahayaan nafaqo-xumo halis ah oo dhimasho sababi karta haddii aan si degdeg ah loo daweyn.

Baydhabo oo ku taalla koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah goobaha ugu nugul saameynta abaarta iyo colaadaha, iyadoo hadda hoy u ah ku dhawaad 800,000 oo barakacayaal ah. Sidoo kale waa meelaha ugu badan ee ay Save the Children xirmidoonaan xarumaha nafaqada.

Dhammaan xarumaha nafaqada ee Save the Children ee Baydhabo ayaa la qorsheynayaa inay xirmaan bisha Juun.

Dr. Mustafa Maxamed, oo ka shaqeeya xarun xasilinta carruurta ee Save the Children ee Baydhabo, ayaa sheegay in haddii xaruntooda la xiro, carruur badan ay gelayaan khatar aad u weyn maaddaama aysan jirin meel kale oo ay tagaan.

“Waa wax laga argagaxo in la malaynayo saameynta dhimista gargaarkan ku yeelan doonto Soomaaliya dhowr bilood gudahood, waddan horeyba ula ildarnaa macluul iyo gaajo daran. Meelo sida Baydhabo oo kale ah waxaan sameyneynaa wax kasta oo suurtagal ah si aan dib ugu dhigno xiritaanka adeegyada nafaqada ee badbaadinta nolosha, laakiin ma sii wadi karno tan si joogto ah. Haddii aan dhaqso loogu helin taageero, waxaan ka baqaynaa in carruurta Soomaaliya ay wajihi doonaan cawaaqib dhimasho leh," ayuu yiri agaasimaha Guud ee Save the Children Soomaaliya, Mohamud Mohamed Hassan.

Save Children waxay Soomaaliya ka shaqeynaysay tan iyo 1951, iyadoo ka shaqeysa barnaamijyo caafimaad, waxbarasho iyo taageerada cunto. Sannadkii hore ayay gaartay 3.2 milyan oo qof, oo ay ku jiraan 1.9 milyan oo carruur ah.