6/5/2025
Today from Hiiraan Online: Somali police arrest suspected Al-Shabaab bombmakers after M...
Wararka Maanta- Khamiis, May 15, 2025
Puntland oo soo qabatay eedaysane loo haysto inuu ka dambeeyay kufsi Garowe loogu geystay labo gabdhood oo walaalo ah
 

Khamiis, May 15, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliiska Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay eedaysane lagu magacaabo Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo 31 jir ah, kaasoo loo haysto fal kufsi oo loo geystay labo gabdhood oo danyar ah.

Kufsigan ayaa ka dhacay 11-kii May, abbaare 4:00am xaafad lagu magacaabo Booray oo kutaala duleedka Koonfur Bari magaalada Garoowe, halkaas oo labada gabdhood laga helay iyadoo lagu xadgudbay.

Sharmaake Xuseen Yuusuf, ayaa lagu qabtay howlgal qorshaysan, isaga oo la socday gaarigii lagu tuhunsanaa in falku lagu fuliyay. Sidoo kale, boolisku waxay gacanta ku dhigeen laba gaari oo la tuhunsan yahay in loo adeegsaday falkaas.

Eedaysane Sharmaake oo ku eedeysan afduub, jirdil iyo kufsi ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska Galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan si loo helo dhammaan xogaha sharciga u baahan.

Puntland ayaa si adag u cambaareysay falalkan, iyadoo sheegtay in eedaysanaha iyo cid kasta oo ku lug leh ay wajihi doonaan caddaalad, iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka dalka.

Shalay ayay ahayd markii qoyska dhibbanayaasha ay dalbadeen caddaalad iyagoo sheegay in ilmahooda loo geystay tacaddi weyn.