Khamiis, May 15, 2025 (HOL) - Xanuunka Jadeecada, oo ah cudur fayras ah, ayaa si ba’an uga dilaacay deegaanada Somaliland, waxaana uu soo ritay boqollaal qof, qaar ka mid ahna hadda waxay u jiifaan isbitaallada.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa sheegtay in tirada guud ee la xaqiijiyay ilaa hadda ay tahay 227 kiis, kuwaas oo laga diiwaangeliyay gobollada kala duwan ee Somaliland. Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in 5tii bilood ee u dambaysay ay si isa soo taraysa u kordhayeen kiisaska cusub ee Jadeecada.
"Wasaaraddu waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in cudurka Jadeecadu ka dillaacay guud ahaan dalka, waana cudur halis ah oo si gaar ah u saameeya carruurta yar yar, sidoo kalena saameyn ku yeelan kara guud ahaan bulshada iyo dhaqaalaha dalka" Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa sida yidhi.
Dr. Axmed ayaa intaas ku daray in ka hor intii aan cudurka si rasmi ah loo shaacin, ay baadhitaan ku sameeyeen 30 qof oo laga shaki qabay, kuwaas oo 26 ka mid ah laga helay xanuunka, taasoo muujinaysa faafitaan degdeg ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in cudurku ka dillaacay dhammaan gobollada dalka.
"Laba gobol ayaa kiisaska ugu badan laga diiwaangeliyay: Gobolka Maroodijeex, gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyo Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera," ayuu yidhi.
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dad u dhintay cudurka, haddana waxa uu sheegay in ay jiraan bukaano xaaladoodu aad u liidato, oo uu xanuunku si daran ugu dhacay, isla markaana u jiifa isbitaallada.
Tirada kiisaska la diiwaangeliyay waxay kala yihiin: Hargeysa 160, Berbera 27, Burco 14, Sheekh 5, Caynaba 4. Magaalooyinka uu cudurku ugu yara yahay waxaa ka mid ah Balligubadle, Ceerigaabo, iyo Gabiley.
Isagoo ka hadlayay calaamadaha lagu garto Jadeecada ayuu Dr. Axmed yidhi: "Dadka uu cudurku ku dhaco waxay inta badan la kulmaan qandho xooggan, qufac, sanka oo duufa, dabnaha iyo afka oo casaada, waxaana ugu dambayn jidhka ka soo baxa finan cascas oo yaryar."
Ka sokow cudurkan Jadeecada ee hadda faafay, Somaliland waxa sannadihii u dambeeyay si weyn u saameeyay xanuunka qandhada wata ee Dengue (Dangi), kaas oo sababay dhimasho badan. Dangi waa xanuun hore aan uga jirin Somaliland balse ku soo fiday dhowrkii sano ee la soo dhaafay.