Arbaco, May 14, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyin lagu soo qabanayo dadka Soomaaliyeed ee la shaqeeya kooxaha Magafayaasha ah, kuwaas oo ka qayb qaata tahriibinta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku wareejintooda kooxaha magafayaasha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa iskaashi caalami ah, ay diyaarisay hab sahlaya in la helo, oo lasoo qabto, laguna soo celiyo dalka dadkaasi, si maxkamadooda looga dhigo gudaha Soomaaliya.
"Waxaa noo fududaanaysa in dadkeenna Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan, Libya, Algeria iyo Morocco oo dambiyo ka geystay Soomaaliya aan dalka kusoo celinno, iyadoo la adeegsanayo habraacyo sharciyeed oo fududaynaya xog uruurinta iyo caddeyntooda," ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.
Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda si rasmi ah ugu biirtay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah, taas oo ka dhigan in dowladda Soomaaliya ay heli doonto taageero iyo iskaashi caalami ah si loo soo qabto dambiilayaasha ku dhuumaaleysanaya dibadda.
Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu aad u kordhay tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed oo naftooda ku biimaynaya sidii ay nolol ka wanaagsan dalkooda uga heli lahaayeen qurbaha.
Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku geeriyooday iyagoo doonayay inay ka gudbaan badda Mediterranean si ay u gaaraan Yurub. Sido kale kuwa badan ayaa lagu xiray xabsiyada Libya iyo Aljeeriya, kuwaas oo loo haysto madax furasho.