6/14/2025
Today from Hiiraan Online: Nearly 40,000 students sit for National 12th Grade exams acr...
Wararka Maanta- Talaado, May 13, 2025
Raysal wasaare Xamse oo maanta kulan la qaatay ku simaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika
 

Talaado, May 13, 2025 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ku simaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Kareem Adebayo.

Kulanka dhexmaray labada masuul ayaa looga wadahadalay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan arrimaha amniga iyo xasillinta Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse ayaa ku simaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u sheegay in dowladda Fedaraalka ay si weyn u tixgalineyso iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo doorkooda ku aadan taageerada geeddi socodka nabadda iyo xasilloonida dalka.

Kareem Adebayo ayaa dhanksiisa uga mahad celiyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya soo dhaweynta diiran, isagoona balan qaaday in wadashaqeyn dhow uu la yeelan doono hey’adaha dowladda Fedaraalka.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay ku simaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Kareem Adebayo  in Midowga Afrika ay ka go’an tahay taageeridda iyo garab istaaga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Masuulkaan ayaa dhawaan la soo magacabay xilkaan kadib markii dalka laga eryay ku simahii hore Erido Amb Sivuyile Thandikhaya, kaasoo ay dowladda Fedaraalka ku eedeysay inuu taageeray kooxda Al-shabaab.