Talaado, May 13, 2025 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan ku kala saxiixay heshiis is afgarad ee (MoU) oo wada shaqeyn ah.
Heshiiskaan is afgarad ayaa waxaa si rasmi ah labada dowladood u kala saxiixay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo dhigiisa dalka Azerbaijan ee Wasaaradda Beeraha Majnun Mammadov.
"Heshiiskan ayaa xoogga saaraya iskaashi ballaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, horumarinta cilmi-baarista, iyo wada shaqeynta ganacsatada ku hawlan wax-soosaarka beeraha ee labada dal" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Beera iyo Waraabka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in is afgaradkan uu qayb ka yahay dadaalada ay ku dooneyso iney ku horumariso wax soo saarka gudaha dalka, iyadoo la kaashanayo teknoolojiyada casriga iyo khibradaha heerka caalami ah ee dalka Azerbaijan leeyahay, taasoo la filayo in beeraleyda Soomaaliyeed wax weyn ka faa’iideysan doonaan.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday xarumaha cilmi baarista beeraha iyo machadyada tiknoolajiyadda la xiriira cilmiga carada iyo kiimikada beeraha ee dalka Azerbaijan.
Ugu dambeyntii heshiiskaan is afgarad ee dhanka beeraha ah oo ay wada galeen labada dowladood ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilawgii sanadkaan heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah labada dal ku wada gaareen magaalada Baku ee Caasimadda dalkaasi Azerbaijan.