Isniin, May 12, 2025 (HOL) - Dowladda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ku qaadday koox ka tirsan ISIS, meel ku dhawaad 70 km Koonfur-Bari uga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Puntland.
Sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya, howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada socda ee lagu taageerayo ciidamada Daraawiishta Puntland si loo baabi'iyo kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku haya gobolka.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay duqayntan. Dowladdu waxay sheegtay in la ururinayo xogta khasaaraha gaadhay kooxda Daacish.
“Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweysaysaa iskaashiga xooggan ee ay la leedahay dowladda Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga ah si kor loogu qaado amniga, loogana hortago kooxaha argagixisada ah ee carqaladeynaya xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dowladda waxay bogaadisay muhiimada wada shaqeynta ay la leedahay Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee ku aaddan horumarinta nabadda, xasiloonida, iyo ciribtirka argagixisada ah ee halista ku haya Soomaaliya iyo gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo maamusha degaanada duqayntan laga fuliyay kama aysan hadlin.