Isniin, May 12, 2025 (HOL) - Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa, kadib markii labada fadhi ee ugu dambeeyay uu u baaqday Kooram la’aan darteed.
Xogheynta Baarlamaanka Fedaraalka ayaa farriin la wadaagay Xildhibaanada Golaha Shacabka, taasoo aheyd in maanta oo isniin ah jiro kulankii caadiga Golaha Shacabka.
Sabtigii iyo Arbacadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii labadaas kulanba ay u baaqdeen kooran la'aan darteed, waxaana xusid mudan in guddoonka Golaha Shacabka inuu ugu baaqay Xildhibaanada iska maqan iney soo xaadiraan fadhiyada Golaha.
Kulanka maanta ayaa sidoo kale kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay kulamada Golaha ay ka taagneyd xiisad iyo buuq ay sameynayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka ayaa qabsooma maalmaha kala ah Sabtiga, Isniinta iyo Arbacada, waxaana kalfadhigaan lixaad Golaha horyaala qoddobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo sharciyo kale.