6/6/2025
Today from Hiiraan Online: Trump bars citizens of Iran, Libya, Somalia, Sudan, Yemen fr...
Wararka Maanta- Axad, May 11, 2025
Qaramada Midoobay oo raadinaysa $41.6 milyan si loo buuxiyo farqiga miisaaniyadda howlgalka AUSSOM
 

Axad, May 11, 2025 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa raadinaysa $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo buuxiyo farqiga miisaaniyadeed ee  Howlgalka Taageerada Xasiloonida Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin uu Xoghayaha Guud soo saaray.

Miisaaniyadda la cusboonaysiiyay ee howlgalka AUSSOM ayaa haatan lagu qiyaasay $166.5 milyan, taasoo hoos uga dhacday qiyaastii hore oo ahayd $190.2 milyan. Isbeddelka ayaa yimid kaddib markii Midowga Afrika uu mushaarka askariga howlgalkan ka dhigay $828, halkii markii hore loo qoondeeyay in lagu saleeyo $1,000.

Ilaa hadda, lacagaha la xaqiijiyay ee la helay waxay gaarayaan $14.5 milyan, oo ay ku jiraan $10 milyan oo laga helay Sanduuqa Nabadda ee AU iyo $4.5 milyan oo deeq ah oo ka timid Japan iyo Koonfurta Kuuriya. Taasoo ka dhigan in weli la raadinayo $27 milyan oo dheeraad ah.

Warbixintu waxay muujisay in AUSSOM heshay taageero dhaqaale oo kooban, iyadoo caqabado dhaqaale oo caalami ah iyo mugdi ku hareereysan qaabka maalgelinta ay caqabad ku noqdeen helitaanka deeqo cusub.

Howlgalka AUSSOM ayaa la daalaa dhacaya dhaqaale xumo xilli ay jiraan khataro amni, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli tahay mid khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya.

Isniinta, xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay is-weydaarsadaan aragtiyo ku saabsan maalgelinta mustaqbalka AUSSOM iyagoo ka ambaqaadaya qaraarka 2719.

Inta badan xubnaha Golaha—oo ay ka mid yihiin Aljeeriya, Sierra Leone, Soomaaliya, Guyana, Denmark, Faransiiska, Giriigga, Slovenia, Panama iyo Koonfurta Kuuriya—ayaa taageeray in AUSSOM la maalgeliyo, waxayna u badan tahay inay taageeraan dhaqan-gelinta qaraarka cusub ee 2767. Dalalka Shiinaha, Ruushka, iyo Pakistan ayaa sidoo kale muujiyay taageeridooda.