Axad, May 11, 2025 (HOL) - Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa ku dhawaaqday mashruuc ku kacaya $100 milyan, kaasoo lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha oo ay maalgalinayso shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo African Food Security.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Beeraha, mashruucan ayaa qayb ka ah dedaallada lagu kor u qaadayo wax-soo-saarka beeraha, waxaana fulinaysa shirkadda African Food Security, oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ka shaqeeya horumarinta beeraha.
Mashruucan waxa fulintiisa saxeexay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, waxaana si rasmi ah u shaaciyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Maxamuud Cige Yuusuf, iyo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha, Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax.
"African Food Security waxa ay sheegeen in marka la eego buqcadda istiraatijiyadeed ee ay Somaliland ku taallo in ay mustaqbalka awood u yeelan doonto in ay Sucuudi Caraabiya iyo Waddammada Gacanka Carabta (GCC) u dhoofiso wax-soo-saarka dalagyada beeraheeda" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Beeraha.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan sheegay in xukuumaddu xoogga saarayso wax-soo-saarka beeraha, xilli helitaanka cuntadu ay ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee haysta bulshada Somaliland.
Somaliland waxay inta badan cuntada gudaha lagu cuno kasoo dhoofsataa dibadda, halka beeralayda waddaniga ah ay soo saaraan cunto aad u yar oo aan dabooli karin baahida bulshada.
Sidoo kale, maadaama beeraha Somaliland aysan helin maalgelin weyn, waxa adkaanaysa helitaanka biyaha. Taas oo uu uga sii daray deegaanka ay Somaliland ku taallo, oo u badan dhul saxare u eke ah.