Axad, May 11, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta faahfaahin rasmi ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay roobab lixaad lahaa oo habeen hore ka da'ay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in roobkii xoogana ee ka da'ay gudaha magaalada Muqdisho iney ku dhinteen dad gaaraya 11 qof, isagoona tilmaamay inuu ahaa roobkan kii ugu xoogana ee Muqdisho ka da’a mudo 9 sano ah.
“11 qof ayaa ku dhintay roobabkii da'ay, iyadoo Mudo 9 sano ah roob sidan oo kale ah uusan ka da'in gudaha Caasimadda, hada way yar yihiin meelaha ay yaallaan biyaha roobka, waxaan ka shaqeynayna in lala tacaalo dhibaatada ka dhalatay Roobka” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir.
Wuxuu sidio kale balan qaaday duqa Muqdisho in si deg deg ah looga shaqeyn doono dhamaan goobaha ay saameeyeen roobabkii xoogana ee sababay khasaaraha naf iyo maalka lahaa, isagoona amaray shirkadahii horay uga shaqeeyay dhismaha wadooyinka iney dib u dhisaan wadooyinka roobabku burburiyee .
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale maanta magacaabay guddiga gurmadka deg dega ah ee ka shaqeyn doona xaaladaha ka dhashay roobkii habeen hore ka da'ay Muqdisho iyo waliba roobabka la filayo inry ka da'i doonaan magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii daadad xooggan oo ka dhashay roobka ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 ruux burburka wadooyin muhiim ah guryo, xarumo ganacsi, iyo dhibaatooyin kale oo ay la kulmeen qoysas danyar ah oo ku nool qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.