
Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Israa’iil ayaa digniin u dirtay Soomaaliya, iyadoo Shay Gal, oo ah lataliye sare oo katirsan Dowladda Israel, uu sheegay in Soomaaliya ay hadda noqotay meel uu saamayn weyn ku leeyahay Turkiga,halkaas lagu tijaabinayo gantaalka Tayfun oo Turkigu, kaas oo lagu hanjabay Griiga iyo Israa’iil.
Shay Gal, oo sidoo kale ahaa ku-xigeenkii hore ee xiriirka dibadda ee Israel ayaa fariin u diray Ankara, isaga oo yiri: “Fogaanta Soomaaliya ma ah mid ka badan Iiraan,” isagoo xusuusinaya in sannado badan aan la rumaysaneyn in Israa’iil ay weerari doonto barnaamijka Iiraan ilaa ay taas samaysay.
Wuxuu sheegay in indhaha Yeruusaalem ay furan yihiin, isagoo intaas ku daray in Turkigu ka dambeeyo saldhig ku yaal Soomaaliya oo lagu tababaro kumanaan askari.
Shay Gal wuxuu adkeeyay in tani aysan ahayn mala-awaal balse ay dhab ahaan dhacayaan, wuxuuna xusay in Griiga iyo Israa’iil ay kordhinayaan dabagalka iyo ururinta xogta ku saabsan tijaabo kasta oo Turkigu ka sameeyo gudaha Soomaaliya.
Warkan kasoo baxay Isreal ayaa kusoo beegmaya, saddex todobaad kaddib markii Turkiga ku dhawaaqay amar xirid ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo 36 masuul oo kale oo sare oo ka tirsan dowladda Israa’iil, sababo la xiriira dagaalka Gaza ee ka dhanka ah Xamaas.