4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2024
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday hotel SYL
 

Jimco, Maarso, 15, 2024 (HOL) - Ugu yaraan saddex askari ayaa ku geeriyooday, tiro 27 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii lagu qaaday hotel SYL ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenka booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka booliiska, gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in la qaarijiyay shan nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo gudaha u galay hotelka SYL, kana dhex dagaalamayay.

Afhayeenku wuxuu sheegay ciidamada amnigu inay ku guulaysteen inay ka hortagaan qorshaha ay lahaayeen dableyda Shabaab, kaasoo ahaa inay laayaan dadka ku sugnaa gudaha hotelka oo isugu jiray masuuliyiin dowladeed iyo dad shacab ah.

Qaasim Axmed Rooble wuxuu sheegay 9 kamid ah dadka dhaawacmay inay ahaayeen ciidanka amniga, sidoo kale wuxuu sheegay 4 kamid ah dadka dhaawacmay inay ahaayeen xildhibaano iyo afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale, kuwaas oo qabay dhaawacyo fudud.

Wuxuu caddeeyay in haatan ay socoto baaris ku saabsan sida ay ku suurto gashay in gaari qarax ku raran yahay iyo dabley katirsan Alshabaab ay kasoo gudbaan baraha kantarool ee aadka loo ilaaliyo.