4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2024
Ciidanka amniga dowladda Soomaaliya oo soo afjaray Shabaabkii weeraray hotel SYL
 

Jimco, Maarso, 15, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa soo afjaray weerarkii koox hubaysan oo katirsan Alshabaab ay ku qaadeen hotel SYL, halkaas oo kooxda hubaysan ay illaa xalay ay ka dhex dagaalamayeen hotelka.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in saddex dagaalame oo katirsan Alshabaab ay gudaha u galeen dhismaha hotelka SYL, ka dib markii qaraxyo ismiidaamin ah iyo rasaas ay ku jiireen ilaalada hotelka oo isku dayay inay iska caabiyaan.

Kooxda hubaysan ee gudaha u gashay hotelka ayaa la xaqiijiyay inay tiro dad ah ku dhex toogteen gudaha hotelka. Dadka ay dileen weli lama caddayn inay kamid yihiin masuuliyiinta dowladda katirsan.

Ciidamada ayaa ku guulaystay inay toogtaan saddexda dagaalame oo saacado dheer ka dhex dagaalamayay hotelka. Waxaana lagu wadaa inay dowladdu goor dhow faahfaahin ka bixiso howlgalka lagusoo afjaray iyo khasaaraha ka dhashay.

Hotel SYL oo amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa degaan u ah Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan. Weerarkii midkaan ka dambeeyay ee hotelkan lagu qaado wuxuu ahaa sanadkii 2019.