4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Rag hubaysan oo katirsan Alshabaab oo ka dhex dagaalamaya gudaha hotel SYL
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Rag hubaysan ayaa ka dhex dagaalamaya gudaha Hotel SYL oo kaabiga ku haya madaxtooyada Soomaaliya, ka dib markii lagu weeraray labo qarax, ka dibna ay dabley hubaysan ay gudaha u galeen hotelka.

Xildhibaan Cusmaan Yuusuf Xoosh oo katirsan xildhibaanada aqalka hoose ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay weerarkan, siday inoo xaqiiyeen ilo xog ogaal ah.

Xildhibaanka dhaawacmay ayaa kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay  degaanada Puntland, waxay isaga iyo xildhibaano ku sugnaayeen gudaha hotelka marka ay qaraxyada dhacayeen.

Sidoo kale taliye ku xigeenka ciidanka Haramcad, Cabdixamiid Fanax ayaan xogta ku helaynaa inuu kamid yahay dadka ku dhaawacmay weeraka hotel SYL. Waxay kaloo xoguhu sheegayaan in dad weriyaaal ay ku jiraan ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarka SYL,

Illaa iyo hadda xog faahfaahsan buuxda oo ku saabsan waxa ka socda gudaha hotelka lama oga. Ciidamada dowladda ayaa iskudayaya inay ka hortagaan in kooxda gudaha u gashay ay laayaan dadka gudaha ku go’doonsan.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarka inay ka dambeeyaan, sida ay kusoo qoreen barahooda internetka sida telegramka.