4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Weerar loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah oo caawa lagu weeraray hotel SYL

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Qaraxyo ismiidaamin iyo rasaas toos ah ayaa lagu wareeray hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in gaari qarax lagusoo raray lagu beegsaday Hotel SYL, oo ah hotel ammaankiisa aad loo ilaaliyo.

Qaraxyada ka dib rasaas xooggan ayaa xigtay oo weli socota, lama oga in koox hubaysan ay hotelka gudaha u galeen.

Hoteelka waxaa inta badan ku caweeya dad u badan masuuliyiinta dowladda.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, Faysla Caraale oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban, ayaa sheegay in dhaawac kooban uu lugta kasoo gaaray.

Weli xog rasmi ah laga hayo weerarkaan. Wuxuu kusoo beegmay, xilli Alshabaab ay dib u qabsadeen degaanada Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kasoo baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaawisleyda degaanka.

Weerarka hotel SYL oo kaabiga ku haya madaxtooyada, halkaas oo aan loo ogolayn inay maraan gaadiid aan la aqoon ama aan haysan aqoonsi, ayaa noqon doona su’aal hortaala hay'adaha amniga ee dowladda.

Wixii faahfaahin mar dhow la socda.