4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ) oo Caawa xabsiga laga siidaayay
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in goor dhaweyd xabsiga laga siidaayay Madaxwaynihii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley), sida dad xogagaal ahi u sheegeen Warbaahinta.

Cabdi Iley ayaa xabsiga loo taxaabay 2018kii, xilligaa oo ahayd wakhtigii ay rabshadihii u waawaynaa ka dhaceen Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga, iyadoo xilligaa Cabdi Iley lagu eedaynayay inuu rabshadahaas isagu kiciyay, Cabdi Iley ayaa wakhtigaas Jigjiga lagaga qaaday Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya, iyadoo markii dambena Addis Ababa lagu xidhay.

Cabdi Iley intii uu xidhnaa dhowr jeer ayaa Maxkamadda lagu celceliyay, waxaana dhowr mar loosoo jeediyay eedaymo ay kamid ahayd kicin bulsho iyo dhac hanti, balse Cabdi Iley waa uu iska fogeeyay eedaymahaas, mana suurtoobin in la xukumo iyadoo ugu dambeyn maanta dib u helay xorriyadiisii.

Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ) ayaa waxaa caawa lala siidaayay maxaabiis dhowr ah oo u badan Soomaali, waxaa kamid ahaa dadka Cabdi Iley lala siidaayay wiil da'yar oo lala qabtay Cabdi Iley oo ay gacanta un ku dhacday, wax eed ahna aan marna loosoo jeedin kaas oo lagu magacaabo Warsame yare.

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyay siidaynta Cabdi Iley oo muddo dheer bilaa xukun ku xidhnaa Addis Ababa, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay siidaynta Cabdi Iley, oo dadka qaarkii oo xasuusan dhibaatooyinkii ay xukuumaddiisu ka gaysatay degaanka Soomaalida ay kasoo horjeedaan siidayntiisa, haddana waa midda ugu hadal haynta badan in caawa oo Cabdi Iley dowladdu aad ugu dhagganayd uu xorriyaddiisii dib u helo.

Siidaynta Cabdi Iley maysan tabin Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Itoobiya, kaliya waxaa tabiyay Warbaahinnada madaxa banaan sida BBCda qeybta Afka Axmaariga.