4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Hirshabeelle oo dagaal culus looga saaray guud ahaan magaalada Baledweyne
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Dagaal xoogan oo Xalay ilaa barqanimadii maanta soo gaaray oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan state ayaa ugu dambeyn goordhaw istaagay, kadib markii guud ahaan magaalada Baledweyne si awood ah looga saaray ciidankii Hirshabeelle.

Dagaalkaan ayaa ahaa kii ugu cuslaa uguna waqtiga dheeraa ee Baledweyne ku dhexmara labadaan maamul ee isku haysta gacan ku heynta Baledweyne.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah ayaa ka dhashay dagaalkaan, waxaana guulo la taaban kara ka sheegtay maamulka la baxay Hiiraan State oo haatan gacanta ku haya guud ahaan xarumaha kala duwan ee maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne.

Ciidamadii iyo saraakiishii hoggaamineysay dagaalka ee dhanka Hirshabeelle ayaa gaaray xarunta ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin duuleedka magaalada Baledweyne, kadib markii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay gudaha Baledweyne.

Dadweyne aad u farabadan oo diidan nidaamka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa haatan ku dhex dabaal degaya gudaha magaalada.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aadan khasaaraha kasoo gaaray dagaalka loog saaray guud ahaan xaafadaha Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.