4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Soomaaliya oo 99% laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen waddamada la isku yiraahdo Paris Club
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen kooxda Paris Club, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada uu dalku ku doonayo inuu dib ugu biiro nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka oo katirsan naadiga Paris Club, ayaa kansalay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo kamid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club oo ah hay’ad ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah dalal badan oo deyman bixiyayaal ah.

Soomaaliya oo lagu lahaa in ka badan $4.5 bilyan oo deyn ah ayaa laga cafiyey dhammaan deymahaas ka dib markii bishii December 2023 la gaarey hindisaha deyn cafinta oo ay kormeerayeen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

"Deyn bixiyayaasha Naadiga Paris waxa ay soo dhaweeyeen go'aanka Soomaaliya ee ah in ay sii waddo hirgelinta istaraatiijiyad dhameystiran oo lagu dhimayo farqiga deymaha iyo barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha si loo abuuro aasaaska kobac dhaqaale oo waara oo loo dhan yahay," ayuu yiri Naadiga Paris.

Waddamada la isku yiraahdo Paris club, ayaa Soomaaliya ku lahaa in ka badan 3.1 billion oo doolar.