4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2024
Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay magaalada Cabudwaaq
 

Khamiis, Maarso, 14, 2024 (HOL) - Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa weriye caan ah oo muddo dheer ka howlgali jiray gobolka Galgaduud, ayaa lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Nin hubaysan oo ilaalo ka ahaa xarunta lagu quudiyo carruurta agoomaha, ayaa xabbad madaxa uga dhuftay weriyaha oo sidoo kale madax ka ahaa isla xarunta lagu dhex dilay.

Dhaawac halis ah oo kasoo gaaray dhinaca madaxa ayuu xalay u geeriyooday.  

Lama oga sababta loo dilay weriyaha, hase ahaatee warar aanu helnay waxay sheegayaan inuu jiray muran dhexmaray weriyaha iyo ninka ilaalada ka ahaa xarunta uu falku ka dhacay.

Cabdikariin Axmed Bulxan oo Cabudwaaq uga soo warami jiray warbaahinta dowladda Soomaaliya, ma ahayn wariye kaliya, sidoo kale wuxuu caan ku ahaa howlaha samafalka iyo nabada ee Caabudwaaq iyo guud ahaan degaanada Galmudug.

Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ku baaqay in si degdeg ah caddaaladda loo horkeeno dambiilaha falkaas geystay.