4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2024
Farmaajo "Qof walba tuuladiisa ayuu ku laaban doonaa haddii dowladda aysan joojin sida ay wax u wado"
 

Arbaco, Maarso, 13, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag ugu dhaliilay dowladda Fedaraalka Soomaaliya qaabka ay u wado dhameystirka Dastuurka.

Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada tashado wax ka badalka Dastuurka oo laga qeybgeliyo dhamaan daneeyayaasha siyaasadda iyo guud ahaan qeybaha kale ee bulshada.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Farmaajo in qaabka haatan wax u socdaan ay la mid tahay in la sameeyo Dastuur cusub, islamarkaana ay tahay in la marsiiyo hababkii ay soo mareen dastuuradii hore.

Madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku hanjabay hadii qaabka hada ay wax ku socdaan ay sii socdaan iney sababi doonto in qof waliba uu ku laabto tuuladiisa dowladnimadana ay halkaas ku burbureyso.

“Dalka weli wuxuu ku jiraa Chapter 7, haddii aan annaga is qaban weyno, waxaa qasab ah in beesha caalamka garba-duub noo qabato waa haddii dan nagala leeyahay, haddii aan dan nagala laheyn oo nala sii daayo, dee qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisa ayuu iska raacanayaa, Qaranimadana uu halkaas ayay nooga burbureysaa” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaanay inuu qaldan yahay ajendaha oo waxa socda aysan aheyn dhameystir ee uu yahay Dastuur bedel, isagoo tusaale u soo qaatay cutubka 4-aad oo maalmahaan doodiisa ay ka socoto kulamada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Farmaajo waxaa fakir ahaan la qaba qaar ka mid ah madaxdii hore iyo siyaasiin kale oo caan ah oo horay uga soo horjeestay wax ka badalka Dastuurka.