4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Ingiriiiska
 

Arbaco, Maarso, 13, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil loogu geystay wiil Soomaali ah magaalada Sheffield ee dalkaasi Ingiriiska.

Wiilka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Sacad Cali ayaa la sheegay iney geysteen dilkiisa kooxo ku hubeysnaa Tooreey, kuwaas oo marxuumka dhowr meel kaga dhuftay Tooreeyda.

War kooban oo kasoo baxay Booliiska gobolka Yorkshire ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliiska ay ka wadaan magaalada Sheffield baaritaano ku aadan kiiskan dilka ah.

Qoyska Sacad Cali ayaa ka dalbaday Booliiska magaalada Sheffield iney gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay wiilkoodii oo ahaa 24 sano jir.

Magaalooyin ka tirsan dalka Ingiriiska waxaa marar badan sidaan oo kale loogu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed, waxaana dilalkaasi qaarkood fuliyay kooxo gaangistaro ah oo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah.