4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2024
Jubbaland oo gacanta ku dhigtay nin gaari kala goostay oo Shabaab ku biiray
 

Talaado, Maarso, 12, 2024 (HOL) - Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley oo howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay xaafadaha degmada Dhoobley, ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen nin lagu magacaabo Xasan Ibraahim oo ay sheegeen inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab.

Wasaaradda amniga Jubbaland, ayaa sheegtay, ninkan inuu horey ugu goostay Alshabaab, iyadoo intaas ku dartay in muddaba ay daba socdeen laamaha ammaanka Jubbaland.

Ninkaan iyo labo nin oo kale ayaa horay Jubbaland ugala baxsaday gaari Land Cruiser Hardtop ah, waxayna ula galeen dhinaca Alshabaab, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday wasaaradda amniga Jubbaland.

Jubbaland oo kaashanaysay hay’adda sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay horay ugu suuragashay inay magaalada Muqdisho kasoo qabtaan labadii nin ee kale, kuwaas oo hadda ku xiran magaalada Kismaayo.