4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2024
Ciidanka Jabuuti oo isaga guuray fariisimahii ay ku lahayeen bartamaha Baledweyne
 

Talaado, Maarso, 12, 2024 (HOL) - Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maanta isaga baxay fariisamahii ay ku lahayeen xarumaha maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne.

Ciidamada Jabuuti ayaa mudo aad u dheer oo ka badan 10 sano ku sugna fariisimaha ay maanta isaga guureen oo ay ka ilaalin jireen amniga maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne.

Wali si rasmi ah looma oga sababta keentay in ciidanka Jabuuti ay isaga guureen fariisimahii ay ku lahayeen bartamaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in  goobahaan ay uga guureen ciidanka Jabuuti nidaam daro baahsan oo ka dhalatay in xarumahaan ay ku wada sugan yihiin ciidamo farabadan oo kala taacbacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State.