4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 12, 2024
Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo bilaabay wajigii saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS
 

Talaado, Maarso, 12, 2024 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Qaramada Midoobay ayaa bilaabay kulamo looga wadashanayo wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Souef Mohamed Elamine oo ah madaxa ATMIS iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa kawada hadlay fulinta Wajigii 3-aad ee dhimista iyo wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Soomaaliya.

Waxay sahamiyeen xeeladaha lagu xaqiijinayo iyo xasilloonida Soomaaliya ka dib ATMIS, iyagoo xoogga saarayay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Iyadoo ATMIS ay isku diyaarineyso wejiga 3-aad ee dhimista, waxaa diiradda la saarayaa xoojinta ciidamada Soomaaliya iyo xaqiijinta hab isku xiran oo lagu wajaho amniga iyo dib u habeynta dowladnimada, taasoo muhiim u ah waddada Soomaaliya ee dib u soo kabashada iyo horumarka waara sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Wada-hadalladan ayaa kusoo beegmay, xilli Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed shaki laga muujinayo awooddooda la wareegidda masuuliyadda amniga ee dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in kooxda Alshabaab ay dib ula wareegeen qaar kamid ah degaanadii laga saaray sanadkii hore.

Koonfurta Mudug oo ah meelihii Alshabaab si adag loogula dagaalamay, oo ay boqolaal askari iyo saraakiil ciidan u geeriyoodeen difaaca dalka, ayay ciidamada isaga baxeen, waxaana dib u qabsaday Alshabaab.

Arrintan ayaa niyad jab weyn ku noqotay howgalladi socday ku dhawaaad labo sano, kuwaas oo ay dowladdu ku xorayso degaano badan oo kuyaala Hirshabeelle iyo Galmudug.