4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2024
IMF oo sheegtay in horumar weyn laga gaaray dib u habaynta Maaliyadda Soomaaliya
 

Isniin, Maarso, 11, 2024 (HOL) - Hay’adda MF ayaa soo saartay Warbixin ku saabsan natiijada horumarka Maaliyadda Soomaaliya kadib shir qaatay muddo labada toddobaad ah oo ay yeesheen Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF.

Warbixinta IMF kasoo baxday ayaa lagu yiri,” Soomaaliya waxay sii waday horumarinta hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxqabadka fulinta ajanduhuna waxa uu ahaa mid xooggan, dadaalkaas ay Dowladdu sameysay waxa uu sababay in dhaqaaluhu sare u koco iyada oo la filayo in uu gaari doono GDP-ga dalka koror dhan 3.7 Boqolkiiba marka la barbar dhigo  2023 %2.8 boqolkiiba.”

IMF waxay tilmaamtay in maalgelinta tooska ah ee ajnebiga la filayo in ay kor u kacdo, ka dib markii Soomaaliya laga cafiyay $4.5 oo deyn ah, si loo gaaro hindisaha dayn cafinta Waddamada saboolka ah.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda IMF waxay sheegtay inay weli jiraan caqabo maaliyadeed oo ah kuwo wali taagan, una baahan in la xaliya iyada oo ay muhiimad gaar ah leedahay taageerada Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya.

Natiijada Warbixinta Maaliyadeed ee IMF waxa ay ku saleysan tahay dib-u-eegistii lagu sameeyay hannaanka Maamulka Maaliyadda Dowladda ee Saddexdii bilood ee la soo dhafay.